Somalida Nairobi oo lagu kacay: Tiradii ugu badneyd oo xabsiyo lagu guray

Nairobi (Caasimada Online)-In ka badan 650 qof oo Soomaali ah ayaa lagu qabqabtay raaf xooggan oo maanta ka socda xaafadda xaafadda islii ee magaalada Nairobi kaddib markii qarraxyo seddax ah oo ay ku dhinteen ugu yaraan lix qof ay ku dhinteen.

Wariye ka tirsan Caasimada Online oo ku sugan Nairobi, ayaa sheegay in xaafadda Islii lagu arkay ciidamo fara badan kuwaasoo howgallo ka wada goobaha qaraxyada ay ka dhaceen.

Ciidamada amaanka dalka Kenya ayaa howlgallo ka wada xaafadda Islii ee magaalada Nairbi kadib markii qaraxyo qasaare dhimasho iyo dhawaac geystay ay xalay ka dhaceen xaafaddaasi.

Ilaa hadda xog badan lagama hayo dadka lagu soo qabtay howgallada ka socda xaafadda Islii oo ay ku badan tahay Soomaalida ku dhaqan magaalada Nairobi.

Si kastaba, waxaa howgallada ay saameen ku yeesheen Soomaali badan oo ku nool xaafadda Islii, waxaana dadka ay ka cabsi qabaan in guryaha loogu soo galo oo la qabqabto.

Dhinaca kale, booliska ayaa sheegay in dadka la soo qabtay ay ku socdaan baaritaano oo waxa ay ku xiran yihiin saldhigyada booliska Kenya.

Saraakiisha ciidamada booliska ayaa sheegay in la soo xiray in ka badan 200 oo qof kuwaasoo lagu tuhunsan yahay in ay ka dambeeyeen qarraxyada ka dhacay xaafada Islii.

Dadka la soo xiray waxaa ku xiran yihiin saldhigga Bangaani ee ku yaalla xaafadda Islii ee magaalada Nairobi, waxaa hadda saldhigga jooga dadkii ehelka la ahaa dadka xiran.

Weerarro xooggan ayaa ka dhacayay waayahan dalka Kenya, kuwaasoo lagu eedeeyay kooxo islaamiyiin ah oo ka howgalla dalka Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com