Jawaari oo kulamo ka wada Baydhaba

Baydhabo (Caasimada Online)- Guddoomiyaha golaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Cisamaan Jawaari iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa hadda kulamo kula leh odayaal iyo siyaasiyiin ka soo kala jeeda maamulada lixda gobal iyo seddaxda gobal.

Ilaa hadda si dhab ah looma oga waxyaabaha uu Jawaari kala hadlaayo odayaasha kala taageersan labada maamul, balse waxaa muuqata in weli uu jirro khilaaf ballaaran oo ku aadan sidda laga yeelaayo labada maamul iyo in dolwadda Soomaaliya ay caddeeso cidda ay taageer santahay.

Maamulka lixda gobal ee koonfur galbeed wuxuu ku doddayaa in dowladda Soomaaliya ay taageerto maamulkooda, halka maamulka seddaxda gobal uu isna doonayo in la aqoonsado.

Magaalada Baydhabo waxaa seddaxdii cisho ee la soo dhaafay ku sugnaa wafdi kale oo uu hoggaaminaayay madaxweynaha Soomaaliya, balse saakay ayey ka soo ambabaxeen oo ay dib ugu soo laabteen Muqdisho.

Waxaa muuqata in madaxda dowladda ay ku kala aragti duwan yihiin maamulada laga dhisay Baydhabo.

Guddoomiyaha golaha baarlamaanka Jawaari ayaa lagu xaglinayaa in uu taageero maamulka lixda gobal ee uu madaxweynaha ka yahay Madoobe Nuunow Maxamed.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com