Gaari MUQDISHO laga baadi-goobayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada booliska Soomaaliyeed ayaa ka baadigoobaya magaalada Muqdisho gaari ay sheegeen inay saaran yihiin waxyaabaha qarxa, kaasi oo la sheegay in magaalada lala soo galay maalmo ka hor.

Afhayeenka Ciidamada booliska Soomaaliya Maxamed Cumar Madaale, oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in gaarigaasi Muqdisho lasoo geliyay, iyadoo la doonayo in waxyeelo lagu geysto.

Wuxuu u jeediyay shacabka magaalada Muqdisho inay ka feejignaadaan dhibaatada uu gaarigaasi geysan karo, isagoo tilmaamay nooca gaarigaasi iyo astaamaha lagu aqoosan karo.

“Waxaan Baafineynaa gaari Surf ah oo waxyaabaha qarxa ay saaran yihiin, waa madow, Miraayadahana waa madow astaantiisa waa “A8382 ama A8283”sidaasi ayuu yiri afhayeenka booliska Soomaaliyeed.

“Waxaan ka dalbanayaa shacabka Muqdisho inaysan gaarigaasi u ogolaan in la dhigo agagaarkooda ama dukaamadooda”ayuu sidoo kale yiri afhayeenka booliska.

Wuxuu ugu baaqay hayaha amaanka inay talaabo ka qaadaan haddii ay gaarigaasi gacanta kusoo dhigaan.

Dhanka kale afhayeenka ciidamada booliska Soomaaliya ayaa sheegay inay gacanta kusoo dhigeen afar ruux oo dhibaato u geysan jirtay shacabka ku safra wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye, kadib howlgalo ay halkaasi ka sameeyeen.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com