Sawirro: Madaxweynaha oo shaaciyey wixii uu kala soo kulmay Baydhaba

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaliya iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa goordhow ka soo dagay garoonka diyaaradaha Muqdisho, iyagoona ka yimid magaalada Baydhabo oo maalmihii la soo dhaafay ay ku suganayeen.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa soo dhaweeyay madax ka tirsan dowladda oo uu ka mid yahay ra’iisal wsaaraha iyo labda golle ee xukuumadda, intaas kaddib waxaa loo galbiyay aqalka madaxtooyada,mana jirto cid saxaafadda la hadlay sidda uu soo sheegay wariyaha Caasimada Online ee Muqdisho.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa muddo seddax cisho ku sugnaa magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay, halkaasoo ay ka taagan xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay dhismaha labo maamul oo iska soo horjeeda.

Madaxweynaha ayaa ka hor inta aanu ka soo tagin Baydhabo wuxuu kulamo la qaatay odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiin kala taageersan labada maamul ee lixda gobal iyo seddaxda gobal, wuxuuna kala hadlay in la qaboojiyo xiisada ka taagan Baydhab.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wada-hadallo iyo la tashiyo la soo sameeyey qeybaha kala duwan ee Bulshadda kuna dhiiro-geliyey in artagtida kala duwan lagu xaliyo wadahadal ,dib-uheshiisiin, is-afgarad iyo nabad.

Madaxweyanaha Soomaaliya Xasan sheekh Maxamuud ayaa ka mahad-celiyey sida loogu soo dhaweyey magaalada Baydhabo isla-markaana ugu baaqay siyaasiyiinta iyo shacabka inay midnimo muujiyaan.

“Maanta fursad ayeynu heysanaa waa inaad isku dulqaadataan oo aad meel wada fariisataan si mar walba midnimadda loo ilaaliyo. marar badan ayey dhibaato ka timid is-maqli waa iyo dulqaad yari.

Dowladda ayaa hormuud u ah wax walba oo dalka ka socda iyada ayaana masuuliyadda leh marka waa in Dowladda looga dambeeyo waxyaalaha loo igmaday” ayuu yiri Madaxweynahu.

Ugu dambeyntii Hogaamiye dhaqameedyadda iyo dhammaan dadkii kale ee uu la kulmay Madaxweyanaha ayaa ka mahad-celiyey booqshadda labadda maalmood ahayd ee uu Madaxweynahu ku joogay Baydhabo. Sidoo kale Madax Dhaqameedyada Ballan qaaday inay sii wadayaan wadahadaladda Dowladdana la shaqeynayaan.

10176215_10203268091681755_1650777195_n

Magaalada waxaa weli ku sugan guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari oo la sheegay in uu kulamo la qaadan doono dhinacyada isku haya magaalada.

Madaxweynaha ayaa la sheegay in uu ku wajahan yahay magaalada Brussels ee dalka Belgium kaddib markii uu casimaad ka helay madaxda dalkaas.

1480605_10203268119282445_1345120341_n

1511618_10203268118482425_1078920177_n

1888490_10203268121242494_696194397_n1964772_10203268114042314_304350429_n

10150606_10203268117962412_1318550655_n

10151893_10203268118682430_1837135716_n

10153251_10203268117802408_626475479_n

10154310_10203268120562477_1944872394_n

1536669_10203268118442424_1937278963_n

1625572_10203268116242369_365314833_n

1888490_10203268121242494_696194397_n

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com