Wararkii ugu dambeeyay ee Baydhaba

Baydhabo (Caasimada Online) – Magaalada Baydhabo waxaa maalmahan ka socda kulamo looga gun lee yahay sidddii loo damin lahaa xiisadda ka taagan magaaladaas.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo ku sugnaa Baydhabo ayaa maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho.

Howsha dhex-dhexaadinta labada dhinac waxaa Baydhabo ka sii wada guddoomiyaha golaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Madaxweynaha ayaa u sheegay odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta in dowladda ay aqoosan doonto rabitaanka shacabka.

Xasan Sheekh Maxamuud madaxweynaha Soomaaliya ayaa u sheegay odayaasha uu la kulmay in uu u socdo magaalada Brussels kaddibna uu dib ugu soo laaban doono Baydhabo.

Odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta ayaa loo shegay marka madaxweynah uu dib ugu soo laabto in la sii wado wada-tashiyada u dhexeeya dhinacyada isku ahaa magaalada Gaalkacyo.

Guddoomiyaah baarlamaanka iyo xildhibaanno la socda ayaa la sheegay in maalmaha soo socda ay la kulmi doonaan labada dhinac ee isku heesta.

Dhinaca kale, ilo xog-ogaal ah ayaa u sheegay Caasimada Online in labada dhinac ee isku heesta Baydhabo ay kala taagan yihiin meelo kala fog isla markaana mid kasta uu diidday in uu la hasaawo.

Wax yaabaha la isku mari la’yahay waxaa ka mid ah maamulka koonfur galbeed ee lixda gobal waxa ay ku dooddayaan in aaney la kala jarin maamulkooda, isla markaana ay sameestaan maamulka, halka maamulka seddaxda gobal ay ku dooddayaan sidda ay uga qaybgali doonaan.

Si kastaba, guddoomiyaha baarlamaanka ayaa ku howlan siddii ay u isugu soo dhaween lahaa labada dhinaca ee ka dhisan Baydhabo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com