CABDI WELI GAAS oo gaaray Jabuuti

Garoowe (Caasimada Online) Sidda uu goordhow soo sheegay wariyaha Caasimada Online ee dalka Jabuuti, waxaa halkaas goordhow ka degtay diyaarad uu la socday madaxweynaha maamulka Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas).

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Jabuuti, waxaana markii dambe loo galbiyay gudaha magaalada oo ay hadda ku sugan yihiin.

Wafdiga madaxweynaha Puntland ayaa saakay ka soo ambabaxay magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.

Madaxweyne Cabdiweli Gaas oo warbaahinta kula hadlay garoonka diyaaradaha ee Garoowe, ka hor inta uusan dhoofin, ayaa sheegay inay booqashadoodu la xiriirto casuumaad rasmi ah oo ay ka heleen madaxda dalka

Waa markii labaad oo madaxweynaha Puntland uu safar dhinaca dibadda u ambabaxo tan iyo markii loo doortay xilka madaxweynaha Puntland 8-dii bishii Janaayo ee sannadkan.

Madaxweynaha inta uu joogo Jabuuti waxaa la filayaa in uu kulamo la qaato madaxda dalkaas iyo dipolomaasiyiin caalami ah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Djibouti

Caasimada@live.com