Dhageyso: Tarsan oo shaaciyey arrimo badan kadib markii uu xilka ka dagay

Muqdisho (Caasimada Online) Guddoomiyihii horre ee gobalka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa laga wereystay arrimo badan oo ay ka mid tahay wax yaabaha u qabsoomay intii uu xilka hayay iyo sidda uu u arko ciidamada Ethiopia ee ka mid noqday howgalka Midowga Afrika gulfka dagaal ay ka wadaan Soomaaliya.

Tarsan oo marti u ahaa barnaamijka wicitaanka Dhageystaha ee ka baxa Idaacadda VOA-da, waxaa wax laga weydiiyay siddii uu nabadeeyay gobalka Banaadir iyo cidda ku caawiyay in uu Muqdisho muddo yer uu ka dhigo magaallo ka soo kabatay dhibkii dilooday 22-kii sanno ee la soo dhaafay.

Tarsan ayaa sheegay in markii uu la wareegayay xafiiska uu howsha ka billaabay meel eber ah, balse ay gacan siiyeen iskaashitada gaadidleyda gobalka Banaadir kuwaasoo gawaari siiyay si ay qashinka buuxay Muqdisho ay ka qaadaan iyo mulkiilayaasha leh shirkadaha korantada kuwaasoo nalal ku xardhay waddooyinka muhiimka ah ee Muqdisho.

Guddoomiyihii horre ee gobalka Banaadir, wuxuu qiray in dadka ku nool Muqdisho ay yihiin dad u helaan nabadda kaliye ay u baahan yihiin hoggaamiye daacad ah.

Wuxuu kaloo sheegay in wax yaabaha uu qabtay ay ka ahayd daacad, haddii aaney daacad ka ahaan lahayn in horrumarka ka muuqda Muqdisho aaney la gaari lahayn sidda uu yiri.

Halkan ka dhageyso Tarsan

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com