Axmed Siilaanyo oo waqti kordhin kale loo sameeyay

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa markale loo sameeyay waqti kordhin dheeri ah.

Golaha guurtida maamulka Somaliland ayaa waqti kordhin u sameeyay Axmed Siilaanyo kadib kulan ay ku yeesheen magaalada Hargeysa.

Kulanka golaha Guurtida oo ay goobjoog ahaayeen xubno badan ayaa inta badan waxay isku raaceen in xiligan aysan dhici karin doorashada madaxweynaha maamulka Somaliland.

Waxay golaha isku raaceen in Bisha December ee sanadkaan 2017 ay dhacdo doorashada madaxweynaha maamulka Somaliland.

Xaaladaha abaaraha ee ka jira deegaanada Somaliland ayaa horey waqti kordhin loogu sameeyay maamulka Axmed Siilaanyo, waxaana muuqaneysa markale in arimahaasi dib loogu dhigay doorashada.

Somaliland ayaa culees kale wuxuu ka heystaa heshiiskii dhismaha saldhiga meletari ee Berbera oo golaha ay ansixiyeen iyo abaaraha ka jira deegaanada maamulkaasi.

Axmed Siilaanyo ayaa ka maqan magaalada Hargeysa, waxaana mar sii horeysay xisbiyada Somaliland ay u kordhiyeen muddo lix bilood ah in doorashada dib loo dhigo.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com