Sawirro: Madaxweynaha Soomaaliya oo kusoo laabtay Muqdisho

Addis Ababa (Caasimada Online)  madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminaayo kuwaasoo labadii cisho ee la soo dhaafay ku sugnaa Ethiopia, ayaa dib ugu soo laabtay Muqdisho.

Wafdiga madaxweynaha ayaa waxaa sii dhaweeyay madax ka tirsan xukuumada Addis Ababa iyo danjiraha cusub ee Soomaaliya u fadhiya halkaas Axmed Cabdi Sallaan Xaaji Aadan.

Dhinaca kale, waxaa maalintii seddaxaad ku sugan magaalada Addis Ababa wafdi ka kala socda dowladda Soomaaliya iyo maamulka uu hoggaamiyo Axmed Madoobe.

Madaxweynaha iyo wafdiga la socda ayaa u tagay Ethiopia ka qaybgalka xuska geerida hoggaamiyihii hore ee dalkaas Meles Zanawi oo hal sanno ay ka soo wareegtay.

Sidoo kale, madaxweynaha waxaa uu xaley casho sharraf u sameeyay ergo ka socda dowladda fedaraalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbland ee uu hoggaamiyo Axmed Maxamed Islaam.

Sawirrada madaxweynaha ee markii uu kasoo baxayey Addis-Ababa

xasa 1xasa 2xasa 3xasa 4xasa 5xasa 6

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi