Dhaawaca haweeneydii Swedish-ka oo warar ay kasoo kordheen

Nairobi (Caasimada Online) War hadda ku soo dhacay xafiiska Caasimada Online ee Nairobi ayaa sheegaya in goordhow garoonka caalamiga ee duyuuradaha Jomo Kenyatta  in laga soo dajiyay dhaawaca haweeneyda u dhalatay dalka Sweden oo maanta duhurkii lagu weeraray magaalada Muqdisho.

Haweeneydan oo lagu magacaabo  Ain Margaret Levin ayaa xabadda kaga dhacday feeraha, in kastoo ay ka baxday sida ay in oo sheegen ilo ku dhow safaaradda Sweden ee Nairobi.

Sidoo kale weerarkan waxaa xaqiijisay wasaaradda arrimaha dibedda Sweden, balse wax faah-faahin ah oo kale lama hayo.

Saxaafadda looma oggolaan in la tuso haweeneydan oo da’deeda lagu sheegay 46-jir waxaana magaalada Muqdisho la sheegay in ay tegtay 18-kii bishan August.

Sidoo kale, wararka ay heshay Shabakadda Caasimada Online ayaa sheegaya in weerarkaas lagu dilay nin Soomaali ah balse heesta dhalashada dalka Sweden kaasoo lagu magacaabo Cabdiraxiin Xasan, kaasoo la sheegay in uu ka tirsanaa xisbiga ay hoggaamiso haweeneyda la dhaawacay.

Sidoo kale waxaa weerarkaas lagu dhaawacay nin kale oo Soomaali ah isla markaana heesta dhalashada dlaka Sweden.

Sidoo kale labo qof oo kala ah darawalkii iyo nin waardiye u ahaa ayaa ku dhintay weerarkaas oo ka dhacay degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Markii hore dhaawaca haweeneyda ayaa loo qaaday Isbitaalka Xalane ee ay maamusho AMSIOM balse waxaa la keenay caawa Nairobi.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com