Madaxweyne Xasan oo hadal cajiib ah ka yiri dibad bixii beelo diidan ay ka dhigeen Minnesota

Minnesota  (Caasimada Online) Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka hadlay dibadbax shaley ka dhacay magaalada Minneapolis oo uu hadda isaga iyo wafdi uu hoggaaminaayo ay booqasho ku joogaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isagoo kula hadlaayay kumanaan qof magaalada Minneapolis ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay dibadbaxa ka dhacay meesha uu ku hadlaayay.

Wuxuu yiri “ Waan soo dhaweyneynaa dibadbaxa in uu  yahay mid boorar lasito oo aan la wadanin qoriga AK47, waa tallaaabo fiican”

Wuxu kaloo madaxweynaha uu sheegay in dowladiisa aysan ka soo horjeedin nidaamka Fedaraalka oo la rabo in laga dhaqangaliyo dalka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in diyaar ay u yihiin siddii ula fadhiisan lahaayeen dadka dibadbaxaya oo ay u dhageestaan waxa ay doonayaan, haddii kooda uu sax noqdo la qaadan doono sida uu hadalka u dhigay.

Hadalka madaweynaha ayaa yimid kaddib markii shaley Boqolaal qof oo wata boorar ay dibadbaxyo ka dhan dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay ka dhiggeen magaalada Minneapolis oo ah meesha ugu badan ay ku nool yihiin Soomaalida Maraykanka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Minneapolis