Xasan-Biotic: Xeel dheere siyaasi ah oo aan xanaf laheyn.

Hoggaamiye kasta waxa uu xaq u leeyahay in lagu amaano wax kasta oo wanaagsan oo u sameeyo, isla markaana lagu dhaliilo wixii xun ee uu sameeyo.

Shaki kuma jiro in aan muddo badan u haraadqabnay hoggaamiye fiican, daacad ah waddani ah, Alla ka cabsi badan. Isla markaana danta guud siiya mudnaan oo tiisa ka hormariyo. Inksatoo muddo aad u fog ay ugu danbeysay in dadka Soomaaliyeed loo madaxbaneeyo rabitaankooda si ay u doortaan hoggaamiyaha ay iyagu rabaan, Bun haddii la waayo baddalkiis ayey aheyd maah-maah caan baxday, waxaan helnay wax u eg marka baarlamaan ku yimid hab qabiileed oo isla markaana ka turjumayo deegaano iyo qabiilo kaasoo laga mithaali karo in qof walba uu wakiil ka yahay xildhibaanka baarlamanka ugu jiro beeshiisha, doorashadaas oo maalin cad lagu kala baxay iyadoo aan wax sir iyo caad ahba laheyn ayaa waxaa nasiib u helay in Xasan Sheekh Maxamuud uu ku guuleystay in uu hoggaanka dalka majaraha u qabto.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo aan horey loogu arkin saaxadda siyaasadda Soomaaliya, haddana guushiisa waxa ay keentay inta badan Soomalidii indhaha ku heysay doorashadii 20th September dhaceysay ay ka wada sinaayeen in loo baahan yahay isbaddal cusub.

Shan maalmood ka dib doorashadii 20th September, ayaan Madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud aan u qoray dhambaal furan oo aan ugu hambalyeynayo uguna duceynayo in Allah SWT uu u fududeeyo xilkan culus ee lagu aaminay, waxaanan dhambaalkii furnaa aan madaxweynaha ugu sheegay daraasad aan ku sameeyey doorkii siyaasadeed 40-kii sano ee lasoo dhaafay aan caalamka kula dhaqmeynay, kuwaasoo ay ugu horeeyaan wixii la oran jiray dagaalkii qaboobaa iyo saameynta uu nagu yeeshay inta uu socday, iyo waxyeeladii aan ka dhaxalnay markii uu dhamaaday dagaalkaas qabow.

Anigoo si aad ah ugu faraxsnahay talaabooyinkii siyaasadeed ee uu Madaxweynuhu u qaaday dhanka xiriirka caalamiga ah laga bilaabo kan gobolka iyo tan hadda u danbeysay ee uu ku qanciyey in Mareykanka in uu aqoonsado dowladda Soomaaliyeed, taasoo dhiiri gelineysa guusha siyaasadeed ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud, taasoo u eg in Xasan Sheekh yahay dawo aan u baahneen 22 sano isla markaana aan kaga bogsoonay xanuunkii aan muddadaas dheer la ildarneen, waana arinta aan maanta qalinka u qaatay ee aan ugu magac daray in Xasan-biotic , mar haddaan ka bogsoonay miir doorsanaanta muddada labaatanka sano ka badan ku jirnay, qof walbana waa dareemi karaa doorka Mareykanku ku leeyahay dunida maanta aan ku noolnahay, US haku aqoonsato, waa adduunkoo dhan haku aqoonsado, waana Alla mahaddii in America ay manta caddeeyso in ay aqoonsan tahay jiritaanka iyo madaxbanaanida umadda Soomaaliyeed, isla markaana ay ula macaamileysa dal  ayaga oo kale ah.

Haddaba Xasan-biotic waa xeel dheere siyaasi ah isla markaana aan xanaf laheyn mar hadduu xariggii siyaasadeed kasoo xeray halkii uu labaatan sano ka hor ka go`ay, waxaana Allah uga rajeynayaa in inta dhiman guul iyo caafimaad ugu dhameeyo.

W/Q: Abdulrahman Ahmed Shiinka

London UK:: Shiinkaa@gmail.com

Afeef; Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan