Xasan oo kormeeraya xarumo ciidan

Muqdisho (Caasimada Online) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hadda kormeer ku maraya xarumo ciidan oo ku yaalla magaalada Muqdisho.

Wariyaha Caasimada Online oo ka mid wariyaal la socda madaxweynaha ayaa soo sheegaya in madaxweynaha goobaha uu booqanayo ay ka mid tahay xarunta gaashandhigga, Xarunta Xalane iyo Dugsiga booliska ee Gen Kaahiye.

Madaxweynaha ayaa goobaha uu booqanayo wuxuu kulamo kula lee yahay saraakiisha ciidanka, waxaana uu kula hadlayaa in la xoojiyo ammaanka caasimada.

Kormeerka uu madaxweynaha ku marayo xarumaha ciidanka ayaa ku soo beegmaya iyadoo habeenkii xaley magaalada ay ka dhaceen howgallo dad badan lagu qabqabtay.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa laga deyrinayay maalmahan, iyadoo xilliyada habeenkii ay ka dhacaan qaraxyo iyo hoobiayaal.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com