Madaxweynaha Soomaaliya oo ku sii jeeda London + Ujeedada socdaalka

London (Caasimada Online) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa maalinta Jimcaha ku wajahan magaalada London ee dalka Ingiriiska.

Danjiraha dowladda Britain u fadhiya Soomaaliya Matt Bought ayaa u sheegay VOA –da in madaxweynaha uu ka qaybgali doono shir ka dhacaya London oo looga hadlaayo arrimaha Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay heesato fursad aan horrey u soo marin, taasoo loo baahan yahay buu yiri in laga faa’ideesto.

Wuxuu yiri 12-kii bilood ee la soo dhaafay Soomaaliya waxaa ka muuqda dhaqdhaqaaq wanaagsan oo la mahdin karo.

Maxaa looga hadli doonaa shirka ka dhacaya London?

Dajjire Bought ayaa sheegay in shirka ka dhacaya London looga hadli doono siddii taageero loo siin lahaa dowladda Soomaaliya oo ah dowlad rasmi ah iyo beesha caalamka ay isku raacaan siddii loo taageeri lahaa dowladda madaxweyne Xasan Sheekh.

Waxa kaloo looga hadli doonaa shirkaas siddii Soomaaliya looga caawin lahaa in ay sameesato hey’addaha caddaaladda iyo garsoorka oo hadda ah kuwa aan jirin.

Waxa kaloo shirka London looga hadli doonaa siddii lagu sameen lahaa hey’addo ilaaliya maaliyadda iyo dhaqaalaha soo gala dowladda Soomaaliya.

Mar la weydiiyay mowqifka maamulka Somaliland ee ah in ay yihiin maamul iskood u jira, wuxuu yiri “Somaliland weli aqoosigeeda siddeedii ay u taagan tahay, wax kasta waxa ay u taallaa waxa ay ka yeelaan iyaga iyo Soomaaliya” ayuu yiri danjire Bought.

Si kastaba, danjiraha dowladda Britain u fadhiya Soomaaliya ayaa sheegay in tallaabo horrumar ah ay tahay aqoonsiga Maraykanka uu siiyay dowladda Soomaaliya oo muddo yer hadda jirta.

Waa shirkii labaad oo dowladda Britain u qabto muddo ka yer sannad Soomaaliya.

Waxa shirka London ee soo socda wadajir u qabanaya madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisla wasaaraha Britain David Camiron.

Madaxweynaha iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa hadda ku sugan xarunga midowga Yurub ee Brussels.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka London