Madaxweynaha Turkiga oo Farmaajo u ballan qaaday in Muqdisho uu….

Ankara (Caasimadda Onlin) – Madaxweyaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan, ayaa balan qaaday inuu dhowaan imaan dooo Magaalada Muqdisho kadib asuumaad rasmi ah oo uu u fidiyay madaxweyaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Erogan , wuxuu sheegay inuu dhowaan Muqdisho imaan dono isla markaana uu xarigga ka jari doono xarunta tababarka ciidamada xoogga dalkka oo ay Turkigu ka dhiseen duleedka Muqdisho agagaarkadeegaanka Jasiiro .

Wuxuu sheegay in sid kale Turkigu saraakiil tababarayaal ciidan ah inay u soo diri doonaan Xirada ciidamadaxoogga dalka ee Deegaanka Jasiira si ay tababar u siiyaan ciidamada Militariga Soomaaliya .

Madaxweynaha turkiga ayaa Soomaaliya yimid 2011kii xilligaas oo ay Soomaaliya Sidaan oo kale abaar baahsan uga jirtay , waxaana xilligaas uu ahaa Ra’iisul wasaaraha Turkiga .

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com