Culeyskii ugu weynaa oo Farmaajo ka heysto loolanka Turkiga iyo Imaaraadka iyo go’aan xasaasi ah oo looga baahan yahay

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la doortay sanadkii 2017  08 February, wixii markaas ka bilowdayna wuxuu dhexda ka galay loolan adag oo u dhaxeeyey wadamo isku heysto Soomaaliya ka hor inta uusan xilka la wareegin, waxaana durba lasoo xiriiray dowlado badan oo kasoo kala jeedo qaaradaha kala duwan.

Saacado yar kadib doorashadiisa Farmaaji ayaa la kulmay mowjado xaalado ah oo uusan fileyn, maadaama Soomaaliya ay tahay meel ay ku hardamaan dowlado shisheeye taasoo isugu jirto mid Caalami ah iyo mid Gobol ah.

Boqorka Sacuudiga Carabiya ayaa noqday Madaxweynihii ugu horeeyey ee lasoo xiriiray Farmaajo markaas oo uu qadka taleefoonka kula hadlay, maadaama ay Muqdisho ku sugnaayeen siyaasiyiin ka socday Sacuudiga, wuxuuna ka codsaday inuu safarkiisa ugu horeeyo ku imaado Sacuudiga, midaasna waa uu aqbalay sida laga warqabo.

Farmaajo ayaa la kulmay faragelin aan loo meel dayin oo ay dowladda Imaaraadka kula kacday qaranimada iyo jiritaanka dalka Soomaaliya kadib markii ay Maamul Goboleedyada iyo Somaliland ay la gashay heshiisyo ay kula wareegeysay Qaar ka tirsan Dakadaha Soomaaliya.

Farmaajo oo arrintaan ka xanaaqsan ayaa booqasho rasmi ah ku tagay dalka Imaaraadka Carabta si uu wax uga soo ogaado heshiisyada sharci darada ah oo ay Imaaradka la galeyso qaar ka tirsan Maamul Goboleedyada, balse waxaa xusid mudan inaan weli si rasmi ah loo ogaano go’aanka laga qaatay xadgudubkii ay Imaaraadka kula kacday Soomaaliya.

Markaas kadib, Madaxweynaha dalka Turkiga Rajeb Dayib Erdogan ayaa casuumaad rasmi ah usoo diray Farmaajo, wuxuuna hadda halkaas ku joogaa booqasho isagoo la saxiixday heshiishyo dhawr ah.

Dhanka kalana dowladaha Mareekanka iyo Ingiriiska ayaa loolan adag ka bilaabay siyaasadda Soomaaliya, waxayna wataan qorshooyin badan oo damacsan yihiin inay go’aano ka helaan inta uu socdo shirka Landon ee dhawaan Soomaaliya u furmi doono.

Dadka falanqeeyo siyaasadda ayaa aaminsan in  awoodaha is barbar yaacaya, danaha iska horjeeda ee Soomaaliya laga leeyahay iyo xaaladda ay Soomaaliya ku jiro ay tahay mid aan is qaban karin oo hogaamiyaha dalka la isku heysto ka dhigeysa mid ay adag tahay inuu maareeyo isuna miisaamo danaha shisheeye iyo dalkan dhibaateysan ee la kala jiidanyo, waxaana Farmaajo hor yaal dhab ahaantii go’aani xasaasi ah oo ku xiran masiirka Umadda Soomaaliyeed.

Haddii uu Farmaajo ka gudbo caqabadaha kasoo wajahayo loolanka adag ee u dhaxeeyo dowladaha danaha ka leh  Soomaaliya, wuxuu ku guuleysan doonaan hoggaanka Soomaaliya isagoo hormuud u noqon doono inay Soomaaliya horumar gaarto.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com