Akhriso Liiska: Farmaajo oo Safarka Ankara horay usii watay Xubno aan laga fileynin

Ankara (Caasimada Online)-Waxaa wali magaalada Ankara ee dalka Turkiga ku sugan Madaxweynaha JFS Maxamed C/llahi Farmaajo oo ay wehlinayaan Wasiiradii ugu badnaa oo la safra Madaxweyne Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa safarkiisa 5aad ku wehlinaaya Wasiirada ugu tayada badan ee Xukuumada Kheyre waxaana kamid ah Wasiiro aan loogu tallo galin safaro badan oo khuseeya dhanka Amniga.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa kamid ahaa 5 Wasiir oo ah kuwa ugu tayada badan Xukuumada kuwaa oo kala ah:

1-Wasiirka arrimaha dibadda Yuusuf Garaad.

2-Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow.

3-Wasiirka Maaliyada Xukuumada C/raxmaan Du’ale Beyle.

4-Wasiirka Beeraha Saciid Xusein Ciid.

5-Wasiiru dowlaha Madaxtooyada C/qaadir Macalin Nuur.

Sidoo kale waxaa safarka ku wehlinaayay mas’uuliyiin ay kamid yihiin:

1-Guddoomiyaha Guddiga difaaca baarlamaanka Xuseen Carab Ciise.

2-La-taliyaha aan wali la shaacin ee Madaxweynaha C/raxmaan Yuusuf Ceynte.

Wasiirka Maaliyada Xukuumada Somalia ayaa maalmihii ugu danbeeyay Safar ku joogay dalka Mareykanka waxaana la sheegay in dalka Turkiga uu soo gaaray kadib markii uu u yeeray Madaxweynaha Somalia.

Dadka qaar ayaa aad ula fajacsan sababta Xuseen Carab Ciise loogu daray Wafdiga maadaama saacadihii ugu danbeeyay uu magaalada Muqdisho ka waday Mooshin ka dhan ah dhismaha Ciidamada.

Dhinaca kale, Wasiirada uu Farmaajo ka waday howlahooda ayaa noqonaaya kuwii ugu badnaa uguna muhiimsan Xukuumada.

Caasimada Online
Xafiiska Ankara
Caasimada@live.com