Madaxweynaha Uganda oo magaca iska beddelay lana baxay mid cusub

Kampala (Caasimada Online) – Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni ayaa markii u horeysay si rasmi ah u shaaciyey inuu wax ka badel ku sameeyay magaciisii hore loogu yaqaanay, kaasi oo uu ku lifaaqay magac cusub.

Yoweri Museveni ayaa magaciisa cusub ku sheegay ‘Tibuhaburwa’, kaasi oo uu ka dhawaajiyey in xiligii yaraantaasi loo yaqiinay.

Magacan cusub ee Museveni ku lifaaqay midkiisi hore ayaa macno ahaan waxa uu luuqada Runyankore noqonayaa ‘Qofka madax adag oo aan qaadan talada, isla markaana aan la sixi karin’.

Waxaa hadda kadib, madaxweyne Museveni loogu yeeri doona Yoweri Tibuhaburwa Kaguta Museveni, oo dood badan ka dhalisay gudaha dalka Uganda.

Arrintan ayaa hadal hayn badan ka dhex abuurtay baraha bulshada dalkaasi, iyada oo dadka qaar u arkayaan gef ay aheyd in laga qabto madaxweynaha, halka kuwa kalena ay ku macneeyen in magaca cusub uu ka turjumayo shaqsiyadiisa.

Sidoo kale dad kale oo iyagu qeyb ka ahaa dooda ka dhalatay magaca cusub ee madaxweynaha Uganda, ayaa cambaareyn u jeediyay la taliyeyaashiisa, maadama ay u ogolaadeen inuu gaaro go’aan noocaasi ah.

Waana markii u horeysay ee magaca ‘Tibuhaburwa’ uu banaanka usoo baxo, tan iyo markii uu xilka la wareegay madaxweyne Yoweri Museveni, oo laga joogo muddo ku siman 34-sanno.

Waxaana xusid mudan in magaca cusub ee uu madaxweynaha Uganda shaaciyey uu hore ugu qornaayeen shahaadooyinkiisa waxbarashada, wallow aan si rasmi ah loo wada ogeyn xiligaasi.