19 jirkii fuliyey weerarkii lagu dilay Hodan Naaleeye oo shaaciyey ‘arrin yaab leh oo lagu soo qalday’ + Video

Kismaayo (Caasimada Online) – Maxkamadda ciidamada ee Jubbaland ayaa maanta xukun ku riday Deeqow Caliyow Kuusow, oo kamid ahaa raggii ka qeyb qaatay weerarkii Hotel Madiina Ex. Cascasay ee magaalada Kismaayo ee maamulka Jubbaland. 

Deeqow Kuusow, oo magaciisa afgarashadu ahaa Muhaajir islamarkaana sheegay inuu yahay 19 jir, ayaa la qabtay isagoo dhaawac ah, xili uu ka dhex dagaalamayey gudaha huteelkaasi oo Al-Shabaab weerar ka geysteen 12-kii bishii July ee sanadkii hore ee 2019.

Deeqow oo hadda naafo ah ayaa maanta lagu riday xakun dil toogasho ah, sida uu ku dhawaaqay guddoomiye ku xigeenka Maxkamdda cidamada qalabka sida ee Jubbaland, Bashiir Maxamuud Xareed.

Ka hor inta aysan maxkamaddu xukunka ku ridin Kuusow ayaa iska fogeeyay qeybo kamid ah eedeymaha loo haysto, inkasta oo uu qirtay inuu kamid ahaa dagaalyahanadii Al-Shabaab ee fuliyay weerarkaasi.

Kuusow ayaa sheegay in saraakiisha Shabaabku ay soo qaldeen, islamarkaana ay siiyeen macluumaad been ah oo la xiriira bartilmaameedkooda weerarka ay ka fuliyeen huteelkaasi.

“Waxay idhaheen ninka shabaabka duqeeya ee diyaaradaha kiciya huteelkaas ayuu degan yahay, markaas dad ajnabi ah inay joogaan ayaa la iga dhigay. Haddaan sidaa hadda wax u ogahay u ogaan lahaa maba gali laheyn,” ayuu yiri.

Deeqow ayaa waxa uu kamid ahaa afar dagaalame oo weerar ku qaaday huteelkaasi oo xiligaasi ku sugnaayeen siyaasiyiin iyo qurbo-joog badan.

Weerarkaasi ayaa waxaa sanadkii hore ku dhintay 26 qof, halka ay ku dhaawacmeen 56 qof oo kale oo kamid ahaa dadkii ku sugnaa huteelkaasi.

Waxaana kamid ahaa dadkii ku dhintay weerarkaasi bahalnimada ahaa Hodan Naaleeye oo ahayd wariye ka faaloota arrimaha bulshada iyo saygeedii oo horay u soo noqday wasiirka ganacsiga Jubbaland, Jaamac C/raxmaan Fariid.

Al-Shabaab ayaa inta badan dhalinyarada ay u adeegsaneyso weerarada iyo qaraxyada uga been sheegta bartilmaameedka ay ka leedahay, sida soo ifbaxeysay muddooyinkii dambe.