Xog: Qeyb ka mid ah shaqada dekedda Muqdisho oo maanta khilaaf u istaagtay

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah ganacsatada waa weyn ee magaalada Muqdisho ayaa Caasimada Online u sheegay in maanta ay hakad ku jirto qeyb kamid ah shaqada Dekadda weyn ee magaalada Muqdisho.

Ganacsatada ayaa ku dhaqaaqay shaqo joojin ilaa xal looga helo, lacago dheeraad ah oo ay ku soo rogeen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo daggan gudaha dekadda Muqdisho, lacagtaas oo ay wasaaradda maaliyadda Soomaaliya sheegtay in aysan waxba ka qaban karin.

Ganacsatada aan la hadalnay ayaa sheegay in ciidanka ammaanka ee ku sugan dekadda Muqdisho ay konteenar kasta ku soo rogeen lacag dhan $150, haddii aan la bixinna uusan ka bixi karin Dekadda.

“Konteenar kasta waxaa laga rabaa $150 oo ka dheeraad ah canshuurta dowladda, markii aan weydiinay waxay noo sheegeen in Al-Shabaab-ba lacag naga qaataan, waayahee haddii dowladii lacag, rabto Shabaab na baadayaan, ciidankiina na baadayaan, xagee ka shaqeysanaa?,“ ayuu yiri mid ka mid ah ganacsatada Muqdisho oo aan qarinay magaciisa.

“Markii ay madaxii ku mashquuleen siyaasadda, ciidankii ayaa la soo baxay weji cusub waana boob mana socon doonto sidaan oo kale,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay ganacsadahaan hala-hadalnay.

Sidoo kale ciidankan ayaa soo saaray amar ah in ganacsadihii bixin waayo lacagta looga baahan yahay islamarkaana adeegiisa yaalla dekadda ay ku waajibi doonto $30 oo habeen kasta ah, taas oo lagu sheegay kirada ganacsiga u dhaxyaalo dekadda balse haddii ay bixiyaan $150 aysan waajib ku aheyn.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in hadda ay socdaan wada-hadallo arrintaan ku saabsan islamarkaana aysan muuqan rajo weyn. Tobaneeyo ka mid ah ganacsatada Muqdisho ayaa la sheegay in gudaha dekadda ay hadda uga xayiran yihiin Konteenaro badan oo wada agabyo kala duwan.