Sawirro: Xasan Cali Kheyre oo NAIROBI kula kulmay xildhibaano iyo Senatoro

Nairobi (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaaraha hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre oo maalmihii u dambeeyay kulamo kala duwan ka waday caasimada dalka Kenya ee Nairobi, ayaa maanta waxa uu kulan la qaatay xildhibaano iyo senataro Soomaali ah.

Kulankaasi ayaa ahaa mid wada-tashi ah oo uu la qaatay xildhibaanada iyo senatarada Soomaalida ah ee baarlamanka Kenya, sida uu Xasan Cali Kheyre ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

Kulankan ayaa qeyb ka ah kulamada uu Kheyre ku doonayo inuu ku helo kursiga u sarreey ee dalka, xili uu dhawaan shaaciyey inuu yahay musharax madaxweyne.

“Waxaa sharaf ii ah inaan maanta kulan wada-tashi ah la yeeshay xildhibaanada iyo sanatarada Soomaaliyeed ee dalka Kenya” ayuu yiri Xasan Cali Kheyre.

Wuxuuna intaas kusii daray “Waxaan uga mahad-celiyay sida wanaagsan ee ay dadka Soomaaliyeed had iyo jeer u garab taagan yihiin”.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Kheyre ayaa xubnaha uu la kulmay kala hadlay arrimaha doorashooyinka iyo marxalada kala-guurka, wallow uusan si cad u carabaabin.

Kheyre ayaa ololahiisa ka xoojinaya caasimada dalka Kenya ee Nairobi, xili ay ku sugan yihiin xubnaha ugu badan ee doonaya iney isa soo sharaxaan xilka madaxtinimo, waana meel sanadahii ugu dambeysay aheyd halka laga jaangooyo siyaasadda dalka.

Waxaana la xasuustaa in madaxweyne Farmaajo uu ololahiisa madaxtinimada kasoo bilaabay Nairobi dhamaadkii 2016, waxaase la sugi doonaa hadii Nairobi ay mar kale soo saarto madaxweynaha xiga.