Sawirro: Xasan Sh. oo booqday goobo muhiim ah oo ku yaalla dalka Japan

Tokyo (Caasimada Online)-Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maalntii labaad booqasho rasmi ah ku jooga dalka Japan ayaa maanta oo Arbaca ah booqday goobo muhiim ah oo ku yaalla dalkaas.

Madaxweynaha iyo wafdiga la socda ayaa goobaha ay booqdeen waxaa ka mid ah dekadda Yokohama iyo xarunta ciidamadda ilaalada xeebaha dalka Japan.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa warbixin ku aadan qaabka loo tababbarro ciidamada iyo sidda u howlgasho xarunta ka dhageestay saraakiisha ciidamada ilaalada xeebaha dalka Japan.

1977007_718620244825293_806749314_n

Sidoo kale madaxweynaha iyo wafdigiisa waxa ay booqdeen xarunta Hey’ada Japan u qaabilsan Badaha ( Nippon Foundation) isla-markaana kulan la qaatay Madaxda Hey’ada.

Madaxweynaha oo markii uu soo dhammeestayu saxaafadda la hadlay ayaa yiri “Waxaan hordhignay Japan Qorshe Guud oo faahfaahsan ee dib-u-dhiska Somalia. Soomaalia waxay leedahay xeebta ugu dheer Qaaradda Afrika waa ineynu baranaa sidii aanu uga faa’iideysan lahayn iyo sidii aanu u difaacan lahayn”.

Ugu dambeyntii, madaxweynaha iyo wafdiga la socda ayaa caawa loo sameeyey casho sharaf ay ka qeyb galeen, wakiilka dowladda Japan u qaabilsan wadamadda Afrika, xildhibaanno ka socday dalka Japan iyo mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Japan.

12479_718620201491964_338291354_n

1512477_718620358158615_1763954936_n

1926907_718620178158633_597566029_n

1911860_718620588158592_1261788951_n

1111

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Tokyo

Caasimada@live.com