Dagaal ka dhex qarxay ciidamada DFS

Muqdisho (Caasimada Online)-Inta la ogyahay afar qof uu badan rayid ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmayn is-rasaaseyn caawa fiidkii ku dhex martay Suuqa Beerta ee degmada Hodan ciidamo ka wada tirsan dowladda Soomaaliya.

Sidda ay lee yihiin dadka goobjoogayaasha labada ciidan ayaa murmay dabadeedna waxaa dhex maray is-rasaaseen xilligaas waxaa suuqa ku sugnaa dad aad u fara badan.

Iska hor imaadka markii uu dhacay waxaa dadkii suuqa ku sugnaa ay noqdeen kuwa kala carara iyo goobta jooga oo waayay meel ay u cararaan.

Xaalada ayaa noqotay mid khalkhal soo gashay, waxaana la xiray durba goobaha ganacsiga ee ku yaalla suuqa Beerta.

Si dhab ah looma oga labada ciidan ee iska hor imaadka uu caawa dhex maray iyo waxybaaha ay isku qoomeen, balse ma ahan arrin cusub in ciidamada dowladda ay ku dagaallamaan goobaha dadka rayidka ay ku badan yihiin.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com