Muqdisho (Caasimada Online)-Tan iyo markii dagaalada ka bilowdeen magaalada Gaalkacyo waxaa sii kordhayay baaqyada nabadeed ee loo jeedinayo madaxweynayaasha Galmudug iyo Puntland.
Baaqyadaasi ayaa waxaa loogu jeedinayay iney joojiyaan xiisada dagaaleed ee ka taagan magaalada Gaalkacyo gaar ahaan galbeedka magaalada.
Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in madaxweynayaasha Galmudug iyo Puntland ay ku kulmayaan meel ka baxsan Soomaaliya.
Labada madaxweyne ayaa la qorsheynayaa iney ku kulmaan magaalada Dubai ee isku taga imaaraatka carabta, waxaana haatan magaaladaasi ku sugan madaxweynaha Galmudug C/kariin Guuleed.
Sidoo kale waxaa magaaladaasi ku sugan madaxweynaha maamulka cusub ee HirShabeele oo wali aan soo dhisin xukuumadii laga sugayay.
Imaaraatka carabta ayaa u muuqda mid sii hurinaya colaadaha ka jira Soomaaliya si uu danahiisa gaarka ah u fuliyo.
Caasimada Online
Xafiiska Muqidsho
[email protected]