XOG: Xasan Sheekh oo xaraashaya dhulalka Dowlada & Beecii ugu horeeyay oo dhacay

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Madaxweynaha uu wakhtigiisu dhamaaday ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud uu amar ku bixiyay in la iibsho dhulal gaara oo ay leedahay dowlada.

Dhulalka uu Madaxweynaha amray in la iibsho ayaa waxaa kamid dhulka uu ku fadhiyo Saldhiga Degmada Waaberi ee Gobolka Banadir, kaasi oo laga iibshay Ganacsade Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale Guddoomiyaha Gobolka Banadir Sheekh Yuusuf Jimcaale (Boorsaani) ku amray in Saldhiga Waaberi dhul laga siiyo Agagaarka Garoonka Aadan Cadde si halkaasi looga dhigo xarunta Saldhiga.

Boorsaani oo amarkaasi fulinaaya ayaa Dhul aad u weyn Saldhiga ka siiyay Agagaarka Garoonka, halka dhulka kale uu ku saxiixay Ganacsadaha.

Sidoo kale,Madaxweyne Xasan ayaa amar ku bixiyay in la iibsho ilaa Afar boos oo ay leedahay Dowlada kuwaasi oo ku yaalla nawaaxiga Daljirka Daahsoon ilaa Isgooyska Jubba ee magaalada Muqdisho.

Amaradaani lagu iibinaayo dhulalka Qaranka ayaa u muuqanaaya mid looga faa’iideysanaaya kala guurka waxaana mar waliba suuragal ah in la iibsho dhulal kale oo aanu isha qaban.

Dowlada uu wakhtigeedu sii dhacaayo ayaa waxaa lagu eedeeyaa in ku dhawaad 11 boos oo uu leeyahay Qaranka ay ka iibisay Ganacsato caan ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com