Dimishiq (Caasimada Online) – Madaxweynaha Suuriya, Axmed Al-Shaarac ayaa ka qayb-galaya kalfadhiga 80-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, kaas oo lagu qabanayo magaalada New York inta u dhexeysa 22–30-ka September.
Warbaahinta rasmiga ah ee SANA ayaa xaqiijisay in Madaxweynaha safarkiisa ku wehlinayaan Wasiirka Arrimaha Dibadda, Ascad Xasan al-Shaybaani iyo wafdi diblomaasiyadeed oo heer sare ah.
Kalfadhigan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee madaxweyne Suuriyaan ah ka soo muuqda Golaha Guud ee Qaramada Midoobay tan iyo sanadkii 1967.
Madaxweyne Al-Shaarac iyo Wasiir al-Shaybaani ayaa inta lagu jiro booqashadan ka qayb qaadan doona shirar iyo kulammo badan.
Sidoo kale waxay kulamo la yeelan doonaan wada-hadallo madaxda dalalka iyo hoggaamiyeyaasha wafdiyada ka qayb-galaya kalfadhiga.
Axmed Al-Shaarac oo xukunka dalkaas kala wareegay Bashar Al-Asad bishii December 2024 ayaa hirgeliyay isbeddello ballaaran.
Isbeddelladaas ayaa horseeday in Suuriyaan badan ay dib ugu soo laabtaan dalkooda, inkastoo Suuriya muddo dheer uga maqneyd Golaha Guud kadib dagaalkii Israa’iil kula wareegtay buuraha Goolaan sanadkii 1967.

