Abu Dhabi (Caasimada Online) – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa billowday dadaallo lagu dhex-dhexaadinayo lana isugu soo dhaweynayo Puntland, Jubaland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo muddo uu khilaaf ka dhex jiray, sida ay xog ku heshay Caasimada Online.
Sida aan xogta ku helnay, madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland ayaa magaalada Abu Dhabi ee waddanka Imaaraadka Carabta kulamo siyaasadeed kula yeeshay saraakiil iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Imaaraadka.
Xog aan helnay ayaa sheegeysa in shirarkaasi looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya iyo dadaallada lagu doonayo in xal loogu helo khilaafka u dhexeeya Saciid Deni iyo Axmed Madoobe iyo madaxda dowladda federaalka Soomaaliya.
Dhinaca kale, ilo-wareedyo ka tirsan Villa Somalia ayaa sheegay in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo hadda ku sugan Doha, uu dhawaan safar aan horay loo shaacin ku tegi doono dalka Imaaraadka Carabta, kaddib safarkiisii uu ku tagay Qatar.
Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa muddooyinkii dambe dedaal xooggan ku bixinaysay sidii laysugu soo dhawayn lahaa madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo hoggaamiyeyaasha maamulada Garoowe iyo Kismaayo.
Arrintan ayaa timid iyadoo dowladda federaalka ay bilowday inay dhankeeda la macaamisho ama xiriir dhow la yeelato dhinacyo ay is-hayaan Imaaraadka Carabta, taasi oo laga yaabo inay cadaadis saartay Abu Dhabi.
28-kii August waxaa Muqdisho yimid wafdi ka socda Imaaraadka oo uu hoggaaminayay wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Imaaraadka, saacado kadib markii ay caasimadda Soomaaliya soo gaareen wafdi ka socday dowladda Suudaan.
“Wafdiga uu hoggaaminayey Sheikh Shakhboot Bin Nahyan Al Nahyan, wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka, waxa uu ahaa socdaal muddo labo toddobaad ah horay loo qorsheeyay, kaas oo salka ku hayay xoojinta xiriirka walaaltinimo ee labada dal iyo iskaashiga soo jireenka ah,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay dowladda xilligaas.
Sidoo kale, waxaa qoraalka lagu daray: “Waxaa jiray warar been abuur ah oo saacadihii la soo dhaafay lagu faafiyay baraha bulshada, kuwaas oo socdaalka wafdigan la xiriirinayay imaanshaha mid ka mid ah wufuudda caalamiga ah ee soo booqday dalka.”
Isla maalintaas waxaa Muqdisho yimid, ka hor intii aan wafdiga Imaaraadka soo gaarin, taliyaha sirdoonka Suudaan Lt-Gen Ahmed Ibrahim Ali Mufaddal, kaas oo kulan la yeeshay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo masuuliyiin sare oo amni.
Sida ay ogaatay Caasimada Online, Mufaddal waxa uu watay fariin uu ka sidey hoggaamiyaha ciidanka Suudaan iyo madaxa dowladda ku-meel-gaarka ah, Gen Abdel Fattah al-Burhan, oo adkeeyay “baahida degdegga ah” ee iskaashi lagu baaro marinada lagu tuhunsan yahay in hub iyo dagaalyahanno lagu soo geliyo, gaar ahaan dekedda iyo garoonka diyaaradaha ee mashquulka badan ee Boosaaso.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in uusan jirin wax xiriir ah oo ka dhexeeya labada socdaal, iyadoo safarka wafdiga Imaaraadka uu ahaa mid horay loo qorsheeyay labo toddobaad ka hor. Balse, sida muuqata, Abu Dhabi waxay dareentay in Muqdisho la xiratay dhinacyo ka soo horjeeda, sidaas darteedna waxay qaaday tallaabo degdeg ah.
Imaaraadka oo xoogga saaraya in dowladda sharciga ah ee Suudaan meesha laga saaro ayaa taageeraya kooxda fallaagada ah ee RSF oo dagaal ba’an kula jirta dowladda, halka dowladda Soomaaliya ay si toos ah u taageertay jiritaanka iyo guusha dowladda sharciga ah ee Suudaan.

