Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Waqooyi Bari ee Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareeyay duqeyntii cirka ee lagu dilay nabadoon Caaqil Cumar Cabdullaahi Cabdi Ibrahim, waxaana ay ku tilmaameen dhacdadan “xadgudub weyn oo khatar ku ah nabadda iyo xasilloonida gobolka.”
War-saxaafadeed ay soo saareen, maamulka ayaa tacsi u diray qoyskiisa, ehellada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.
“Dilka nabadoonka oo ay geysteen diyaarado aan la garanayn waa arrin dhaawac ku ah nabadda iyo xasilloonida shacabka Waqooyi Bari iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
Maamulka ayaa sidoo kale sheegay in duqeyntaasi ay tahay mid aan la aqbali karin. “Dawladdu waxay cambaareyneysaa falka foosha xun ee lagu beegsaday nabadoonka, kaas oo ah xadgudub cad oo ka dhan ah dhaqanka Soomaaliyeed, karaamada iyo nolosha shacabka Waqooyi Bari,” ayaa lagu yiri qoraalka.
War-saxaafadeedku wuxuu intaas ku daray in diyaaradaha ku duulaya hawada gobolka ay cabsi iyo khatar ku abuureen shacabka.
“Sidoo kale Dawladda Waqooyi Bari waxay cambaareyneysaa diyaaradaha aan la garanayn ee ku jira hawada gobolka Sanaag, kuwaas oo argagax iyo cabsi ku abuuraya shacabka, isla markaana khatar ku ah xasilloonida gobolka iyo guud ahaan deegaannada Waqooyi Bari,” ayaa lagu xusay.
Faahfaahinta duqeynta
Taliska Booliska Puntland, oo gobolka Sanaag muddo dheer sheegan jiray, ayaa xaqiijiyay in duqeyntu ka dhacday deegaanka Jiicaanyo ee degmada Ceelbuh, halkaas oo gaariga Nabadoonka lagu dhuftay saddex gantaal.
Sarkaal sare oo ka tirsan Booliska Puntland ayaa sheegay in marxuumku kaligiis saarnaa gaariga.
“Meesha waxaan ugu tagnay gaarigii iyo maydka Nabadoonka oo burbur weyn gaaray. Baaritaanno hordhac ah waxay muujinayaan in uusan qof kale la socon, wuxuuna kusii jeeday degmada Badhan,” ayuu yiri sarkaalka Booliska.
Sarkaalku wuxuu intaas ku daray in diyaaradda ay si toos ah u beegsaday gaariga Nabadoonka.
“Duqeyntaas oo ay indhahooda ku arkeen xoolo-dhaqato deegaanka ku sugnaa waxay ahayd mid si cad loogu beegsaday gaariga Nabadoonka Cumar Cabdullaahi. Wuxuu beryahaan ku sugnaa Badhan, Ceelbuh iyo Boosaaso, isagoo qayb ka ahaa odayaashii ka qaybgalay shirkii dowladda ee lagaga hadlayay horumarinta Sanaag,” ayuu hadalkiisa raaciyay.
Reerka oo jawaab dalbaday
Cali Cabdullaahi Cabdi oo la dhashay Nabadoonka ayaa sheegay in qoyskiisu ay weli sugayaan war cad oo ku saabsan cidda ka dambeysa weerarka.
“Lafaha Caaqilka oo keliya ayaan haynaa, cid kalena lama socon. Weligii xidhiidh lama yeelan kooxaha lala dagaallamayo. Dowladda Puntland ayaan war cad ka sugeynaa,” ayuu yiri Cali.
Maamulka Waqooyi Bari ayaa ugu baaqay shacabka Sanaag in codkooda la maqlo oo aan la dayacin.
“Waxaan ku baaqeynaa in loo dhug yeesho codka shacabka gobolka Sanaag, isla markaana si dhab ah loo tixgeliyo baaqyada kasoo baxaya qaybaha kala duwan ee bulshada,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
Sidoo kale maamulka ayaa ugu baaqay dowladda federaalka inay door ka qaadato ilaalinta hawada iyo badda dalka.
“Waxaan ugu baaqeynaa dowladda federaalka inay qaadato doorkeeda ku aaddan ilaalinta hawada iyo badqabka muwaadiniinta Soomaaliyeed, isla markaana ay qayb ka noqoto baadhitaanka dilka nabadoonka, si loo helo natiijo rasmi ah oo caddaalad ah,” ayaa lagu sheegay.
Su’aalo ka dhashay dhacdada
Inkasta oo aan weli si rasmi ah loo shaacin dalka laga leeyahay diyaaradda fulisay weerarka, haddana duqeymaha noocan oo kale ah waxaa inta badan ka geysta gudaha Soomaaliya ciidamada Mareykanka ee howlgalka AFRICOM, kuwaas oo ka caawiyay Puntland dagaalkii ka dhanka ahaa kooxda Daacish ee Buuraha Calmiskaad.
Dhacdadan ayaa dhalisay su’aalo badan oo ku saabsan sababta Nabadoonka loo beegsaday, maadaama qoyskiisu sheegeen inuusan xiriir la lahayn kooxaha argagixisada.
Geerida Caaqil Cumar ayaa saamayn ballaaran ku yeelatay bulshada Ceelbuh iyo nawaaxigeeda, iyadoo dadka deegaanka ay muujiyeen cabsi iyo walaac, kana dhigtay duqeyntii ugu horreysay ee noocan oo kale ah oo ka dhacda gobolka Sanaag.

