Doha (Caasimada Online) – Hoggaamiyeyaasha dalalka Khaliijka ayaa Isniintii sheegay inay kulan isugu yeeri doonaan golaha difaaca wadajirka ah ee Golaha Iskaashiga Khaliijka (GCC), kaddib markii ay dowladda Qatar ku baaqday in jawaab “la taaban karo” laga bixiyo weerarkii ay Israel toddobaadkii hore ku qaadday magaalada Doha.
Hoggaamiyeyaasha dalalka xubnaha ka ah GCC waxay ka mid ahaayeen in ka badan 50 hoggaamiye oo ka kala socday waddamada Islaamka iyo Carabta oo isugu yimid dalka Qatar, halkaasoo Amiirka dalkaas, Sheikh Tamim bin Hamad al-Thani, uu ka jeediyey khudbad xooggan oo uu ku dhaleeceeyey weerarkii Israel ee lala beegsaday saraakiisha siyaasadda ee Xamaas, isagoo ku tilmaamay mid “qaawan, gardarro ku dhisan, iyo fulaynimo ah”.
Amiir Thani ayaa dhiggiisa ugu baaqay inay qaadaan “tallaabooyin la taaban karo oo wax lagaga qabanayo xaaladda waalida, kibirka, iyo dhiig-daadin-jacaylka ee la soo deristay xukuumadda Israel”.
Iyadoo ka jawaabaysa, Golaha Iskaashiga Khaliijka (GCC) – oo ah dallad ay ku mideysan yihiin lixda waddan ee Khaliijka – wuxuu soo saaray bayaan uu ku cambaareynayo “gardarrada arxan-darrada ah ee Israel ka gaysatay Dalka walaalaha ah ee Qatar”, taasoo uu ku tilmaamay “khatar toos ah oo ku wajahan amniga guud ee Khaliijka iyo nabadda iyo xasilloonida gobolka”.
Golaha Iskaashiga Khaliijka wuxuu isku raacay in kulan loo qabto Golaha Difaaca Wadajirka ah iyo Guddiga Sare ee Millateriga.
“Guddiyadu waxay qiimeyn doonaan heerka diyaargarowga difaac ee dalalka xubnaha ka ah iyo isha ay ka imanayaan khataraha, marka la eego gardarrada Israel,” ayaa lagu yiri bayaanka, oo intaas ku daray inay “dhaqaajin doonaan hababka difaaca wadajirka ah iyo awoodaha ka-hortagga ee Khaliijka”.
Dalalka xubnaha ka ah GCC waxay heshiis is-difaac wadajir ah saxiixdeen sanadkii 2000, kaasoo dhigaya in weerar lagu qaado mid ka mid ah xubnaha uu yahay weerar lagu qaaday dhammaantood. Goluhu wuxuu sheegay inuu diyaar u yahay “in la adeegsado awood kasta si loo taageero Dalka walaalaha ah ee Qatar, loogana ilaaliyo amnigiisa, xasilloonidiisa, iyo madaxbannaanidiisa khatar kasta”.
Si kastaba ha ahaatee, ballanqaadka GCC ee is-difaaca ma aha mid u adag sida kan isbahaysiga millateriga ee NATO. Ma jiro qaab-dhismeed talis millateri oo isku xiran oo uu leeyahay Goluhu.
Weerarradii hore ee lagu qaaday xubnaha golaha, sida kuwii Xuutiyiinta Yemen ay ku qaadeen Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta, Golaha GCC ma uusan qaadin dadaal difaac oo wadajir ah.
Laakiin hoggaamiyeyaasha Khaliijka waxay mar horeba ka walaacsanaayeen gardarrada Israel ee ka socota Lubnaan, Suuriya iyo Iran. Shacabkooda ayaa sidoo kale si weyn uga caraysan xasuuqa Israel ay ka waddo Gaza, halkaas oo lagu dilay in ka badan 64,900 oo Falastiiniyiin ah. Dalalka Khaliijka waxaa kale oo ka nixiyey sida Mareykanku uu indhaha uga laabtay weerarrada Israel ee ka dhanka ah marinkaas.
Dhabar jeedinta Mareykanka
Wargeyska Middle East Eye ayaa toddobaadkii hore kashifay in Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, uu “ogolaansho u siiyey” Israel weerarkii ay ku qaadday Qatar. Isniintii, shabakadda wararka ee Axios ayaa xaqiijisay warbixintii Middle East Eye ee ku saabsanayd in Trump uu horay ula socday ugana raalli ahaa weerarkaas.
Qaar ka mid ah saraakiisha Mareykanka oo sida caadiga ah xiriir la lahaan lahaa xarunta hawlgallada Mareykanka ee Doha ayaa u sheegay Middle East Eye in isgaarsiinta la jaray markii uu weerarku dhacayey, taasoo muujinaysa in isgaarsiinta la damiyey si loo fududeeyo hawlgalka.
Boqortooyooyinka hodanka ah ee Sunnida ah ee Khaliijka ayaa muddo dheer ku tiirsanaa Mareykanka dhinaca amniga. Dalka Qatar waxaa ku yaalla saldhigga millateri ee ugu weyn ee Mareykanku ku leeyahay gobolka, dhismihii ay Israel duqeysayna wuxuu ku yaallay meel aad ugu dhow hoyga safiirka Mareykanka ee Doha.
Falanqeeyayaal ayaa u sheegay Middle East Eye inuu jiro khilaaf gudaha ah oo ka dhex taagan Imaaraadka Carabta – oo ah dalka Carabta ee xulafada ugu dhow la ah Israel – kaasoo ku saabsan sida looga jawaabayo weerarka Israel ee Qatar. Wargeyska Haaretz ee Israel ayaa toddobaadkii hore sheegay in Qatar ay ka codsatay Imaaraadka inuu xiro safaaraddiisa ku taalla Israel.
Shirka Doha wuxuu socday xilli uu Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka, Marco Rubio, uu Isniintii booqanayey Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu.
Intii uu socday shir jaraa’id oo ay wada qabteen Rubio, Netanyahu wuxuu diiday inuu meesha ka saaro suurtagalnimada weerarro kale oo lagu qaado dalalka ay joogaan xubnaha Xamaas. Masar, Turkiga iyo Qatar ayaa dhammaantood lagu yaqaannaa inay martigeliyaan saraakiisha Xamaas marar kala duwan. Turkigu waa xubin ka tirsan isbahaysiga NATO.
Rubio si toos ah uma uusan cambaareyn weerarka Israel.
Dhanka kale, Trump wuxuu bixiyey jawaab isku dhex yaacsan oo u muuqatay inay tilmaamayso ku lug lahaanshaha Mareykanka ee weerarka, mana uusan meesha ka saarin suurtagalnimada weerarro kale oo ay Israel fuliso.
“Qatar waxay ahayd xulafo weyn oo Mareykanka la ah. Dad badan taas ma oga, amiirkeeduna waa qof cajiib ah. Waxa kale oo aan u sheegay Netanyahu in marka aan kuwa kale weerarayno, ay tahay inaan taxaddarno,” ayuu yiri Trump.
Qatar iyo Masar ayaa door muhiim ah ka qaatay dhexdhexaadinta u dhaxaysa Xamaas iyo Israel, codsi uga yimid Mareykanka. Kaddib weerarkii Israel ee Doha, falanqeeyayaal iyo diblomaasiyiin qaar ayaa soo jeediyey suurtagalnimada in Qatar ay joojiso dadaalladeeda dhexdhexaadinta.
Laakiin Isniintii, Rubio wuxuu u muuqday mid hoos u dhigaya muhiimadda dhexdhexaadinta, isagoo ku tilmaamay mid aan waxba soo kordhinayn, wuxuuna sheegay in Xamaas ay tahay “‘koox argagixiso ah, koox bahalnimo ah, oo hadafkeeda la sheegay uu yahay burburinta dawladda Yuhuudda.’ Markaa, ma rajaynayno in taas [xabbad-joojin] ay dhacdo”.

