Dooxa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galay Shirweynaha Dowladaha Carabta iyo Islaamka ee magaalada Doxa ee dalka Qatar, ayaa kulan-doceed gaar ah la yeeshay Madaxweynaha Turkiga, Rajab Dayyib Erdogan.
Kulankaas ayaa lagu lafa-guray xiriirka qotada dheer ee labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga dhinacyada kala duwan, sida lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay Madaxtooyadda Soomaaliya.
Labada Madaxweyne ayaa si gaar ah diiradda u saaray xaaladaha ugu dambeeyay ee ka taagan gobolka Bariga Dhexe, kuwaas oo saameyn ku leh dalalka Carabta iyo Islaamka guud ahaan.
Waxay hoosta ka xariiqeen in lasii xoojiyo wada-shaqeynta laba dhinac iyo xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga istiraatiijiga ah, si loo wajaho caqabadaha ka dhashay isbeddellada gobolka.
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Erdogan ayaa sidoo kale muujiyay muhiimadda iskaashiga dhaqaale, siyaasadeed iyo amni ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga.
Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyey shir-madaxeedka deg-degga ah Dowladaha Carabta iyo Islaamka ayaa soo bandhigay sida Dowladda Federaalka Soomaaliya ay u barbar taagan tahay dowladda iyo shacabka Qatar, xilligan adag, isagoo muujiyey in weerarka Israel ee Qatar uu yahay xad-gudub lagu sameeyey dhammaan dalalka Carabta.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo adkeeyey muhiimadda midnimada iyo iskaashiga dalalka Carabta iyo Islaamka ayaa dul istaagay mowqifka taariikhiga ah ee shacabka iyo dowladda Soomaaliya ay ku garab-taagan yihiin walaalahooda Falastiin oo la dhibaataysan gumaadka iyo gumaysiga ay ku hayaan Israa’iil.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku baaqay in la qaado tallaabooyin mideysan oo lagu xaqiijinayo hirgelinta dowladda Falastiin ee caasimaddeedu tahay Qudus, isagoo soo bandhigay in loo baahan yahay in la dhaqangeliyo mabaadi’da sharciga caalamiga ah iyo go’aannadii QM, si loo joojiyo falalka gardarrada ah ee Israa’iil, loona ilaaliyo xasilloonida gobolka.





