Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre oo caawa ka qeyb-galay madal ay dadweynaha ku weydiinayeen su’aallo, ayaa wuxuu si cad uga jawaabay su’aal laga weydiiyay inuu yahay musharax madaxweyne 2026.
Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa shaaciyay in aysan qorshaha ugu jirin inuu isku soo taago xilka madaxweynaha Soomaaliya ee doorashada soo socota, sida horey uga dhacday doorashooyinkii hore ee soo maray dalka.
“Dhaqan ahaan anigu waa ka duwanahay dad badan. Aniga madaxweynihii i magacaabay islama sharaxayo, dadka oo dhan waa u sheegaa wey iska cadahay taasi,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza.
Xamza ayaa geesta kale muujiyay in go’aankiisa uu isbeddeli karo haddii madaxweynaha haatan tallada haya uu ka tanaasulo in mar kale uu isku soo taago xilka madaxweyne.
“Hadduu asaga iska daayo (Xasan Sheekh) ma aqaan waxaan sameyn doono, laakiin inta madaxweynihii fursadda ii siiyay in aan caawa idin horfadhiyo, dadka Soomaaliyeed i baray ee fursad ii siiyay in aan dalkeyga u shaqeeyo oo wax u qabto, inta soo garab fariisto islama sharaxayo,” ayuu yiri.
Go’aanka Xamza uu qaatay ayaa ah mid wado cusub jeexaya, iyadoo dadka Soomaaliyeed ay hore u arkeen ra’iisul wasaare si weyn ula loolamay madaxweynihii magacaabay, taas oo dhaqan siyaasadeed ka noqotay Soomaaliya.
Si kastaba, Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa noqonaya ra’iisul wasaarihii ugu xilka dheeraa, markii dib loo eego taariikhda intii ay xafiiska joogeen ra’iisul wasaarayaashii Soomaaliya soo maray, taas oo sabab u ah kalsoonida uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku qabo ra’iisul wasaarihiisa.
Hoos ka daawo muuqaalka

