Madaxweyne Biixi iyo Cali Khaliif Galaydh oo arrin xasaasiya ka wada hadlay

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa madaxtooyada kulan gaar ah kula qaatay Hogaamiyaha maamulkii Khaatumo, Cali Khaliif Galaydh.

Kulanka Biixi iyo Galaydh ayaa noqonaya midkii ugu horeeyay ee noociisa ah, kaasi oo diirada lagu saarayey qaabkii ay xukuumadu u fulin laheyd heshiiskii 2017-kii lagu kala saxiixday magaalada Caynaba.

Madaxweynihii hore ee Somaliland, Axmed Siilaanyo ayaa muddo ku siman 3-sanno ka hor heshiis la galay hogaamiyaha Khaatumo State, Prof. Cali Khaliif Galaydh, kaasi oo weli si rasmi ah u fulin.

Heshiiskaasi oo fulintiisa ay laheyd xukuumada Muuse Biixi, maadama ay meesha ka baxday xukuumadii Siilaanyo ayaa noqday mid laga gaabiyey, isla markaana uu madaxweyne Biixi dhagaha ka fureystay baaqyo dhowr ah oo loo jeediyay.

Sida ay ogaatay Caasimada Online,  Madaxweyne Biixi iyo Galaydh ayaa si qoto dheer uga wada-hadlay qaabkii loo fulin lahaa heshiiskaasi oo ka koobna 6-qodob.

Cali Khaliif Galaydh ayaa madaxweyne Muuse Biixi ka dalbaday inuu sida ugu haboon u fuliyo qodobadaasi, isla markaana uu ku dhiirado furista dastuurka Somaliland oo uu ka tirsanayo cadaalad darro baahsan.

Galaydh ayaa ku doodaya in xiligan ay munaasib ku tahay in dib loo furo dastuurka, iyada oo meesha laga saarayo sinaan la’aanta ka jirta Somaliland, isagoona dhowr jeer oo horena fagaarayaal badan kaga hadlay arrinkaasi.