Somaliland oo xukun dil ah ku riday nin kufsaday gabar kadibna dilay (Faahfaahin)

Boorama (Caasimada Online) – Somaliland ayaa xukun adag ku riday Nin bilowgii sanadkan gabar ku kufsaday degmada Garbo-dadar ee gobolka Awdal, isla markaana dilay gabartii uu kufsiga u geystay.

Maxkamadda gobolka Awdal ayaa shalay xukun dil toogasho ah ku riday Ninkaasi geystay falka argagaxa ku riday bulsho badan oo ku nool gobolka Awdal.

Ninka ay maanta maxkamaddu ku riday xukunka oo lagu magacaaba Cabdi Siciid Muuse ayuu guddoomiyaha maxkamaddu sheegay inuu falkaasi foosha xun uu kusoo cadaaday, isla markaana ay sidaasi ugu xukumeen dilka.

Cabdiraxmaan Geedi Barre, Guddoomiyaha maxkamadda gobolka Awdal oo maanta warbaahinta ka hor aqriyay xukunka Ninkaasi ayaa sheegay inay dacwadaasi ay soo martay marxalado kala duwan oo horseeday xukunka maanta.

Ehelada marxuumada falkaasi loo geystay ayaa iyaguna sheegay inay ku qanacsan yihiin xukunka maanta, iyagoona garsoorka gobolka ku amaanay hanaanka cadaaliga ah ee ay u mareen dacwadooda.

Cabdi Siciid ayaa marxuumada falkaasi ugu geystay 16-kii Bishii Febraayo ee sanadkaan 2020, iyada oo xiligaasi wixii ka dambeeyay ay wajiyo kala duwan mareysay dacwadiisa, iyada oo ugu dambeyntiina maanta lagu riday xukunkaasi.