Raggii Muqdisho ku dilay Cabdulqaadir Cabdullaahi Goosaar oo lasoo qabtay

Muqdisho (Caasimada Online) – Baaritaan dheer kadib hey’adaha ammaanka gobolka Banaadir ayaa maanta soo bandhigay raggii dilay Cabdulqaadir Cabdullaahi Goosaar, iyaga iyo Mootadii ay ka dhaceenba.

Allaha u naxariitee Cabdulqaadir ayaa lagu dilay degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir 21-kii bishii dhamaantay ee June, xilliga la dilay oo aheyd habeen waxaa la sheegay in raga dilay ay ahaayeen burcad dooneysay inay ka dhacaan mooto FEKON uu watay iyo agabyo kale.

Ragga loo soo qabtay falkaas ayaa haatan ku xiran saldhigga degmada Yaaqshiid oo ah halkii ay ka geysteen fal-dembiyeedka dilka iyo dhaca isugu jiray.

Sidoo kale waxaa lasoo bandhigay Mootadii ay ka dhaceen marxuum Cabdulqaadir oo ay sii iibsadeen.

In lasoo qabto ragan waxaa sahashay inay sii iibiyeen mootadii ay ka disheen marxuumka, waxaana mootada lagu soo qabtay ninkii ka iibsaday, kaas oo soo far-muqay labada nin ee dhaca iyo dilka geystay, sida ay noo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan kuwa ammaanka.

Dadka ku nool xaafadaha qaar ee degmada Yaaqshiid ayaa horay u sheegay inay qaati ka taaganyihiin burcad dhac iyo dil u geysaneysa, kuwaas oo habeen iyo maalin isku si u howlgala, balse maamulka degmada oo ka jawaabayey cabashadooda ayaa balan qaaday in wax laga qaban doono.