50 qof oo la dilay iyo xaalada ITOOBIYA oo kasii dareysa

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ugu yaraan 50 qof ayaa lagu dilay gobolka Oromadda ee dalka Ethiopia, kadib mudaharaadyo ka dhashay markii toogasho lagu dilay fanaan caan ah, sida uu sheegay afayeenka Gobolka.

Fanaan lagu magacaabo Haacaaluu Hundeessaa ayaa la dilay habeenkii Isniintii, booliiskuna waxay dilkiisa ku sheegeen in uu beegsi ahaa. Dibad-baxyo ayaa maalintii xigtay ka qarxay magaaladda caasimadda ah iyo magaalooyin kale oo ku yaalla gobolka Orodmadda.

“Dadka dhintay waxaa ka mid ah dad dibad-baxayay iyo xubno ka tirsan ciidanka amaanka. Tan uma aanan diyaarsaneyn” ayuu yiri afhayeenka gobolka Getachew Balcha. Ganacsiyadda qaar ayaa sidoo kale dab la qabadsiiyay.

Booliiska ayaa sheegay in askari booliis ah Addis Ababa lagu dilay, Seddax qarax oo xalay ka dhacayna waxaa ku dhintay dad aan weli tiradooda la cadeyn.

Heesaha Haacaaluu waxay u daarnaayeen jiilka dhalinyaradda ah ee mudaharaadyadu seddax sano ay wadooyinka ka socdeen, kuwaas oo ay ku dalbanayeen is-casilaadda Ra’iisul Wasaarihii hore, billowga jawi cusub oo leh iyo xorriyad weyn oo siyaasadeed.

Meydaka Fanaanka waxaa la aasayaa sida la shaaciyey maalinta Khamiista ah.