Axmed Madoobe oo si ka duwan Puntland ugu hadlay xaquuqda G/Banaadir

Kismaayo (Caasimada Onlone) – Madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam “Madoobe” ayaa si qeexan ugu falceliyay arrinta muranka dhalisay ee xaquuqda gobolka Banaadir ku yeelatay golaha aqalka sare 13 kursi, isagoo sheegay in Banaadir ay tahay caasimadii Somalia, xaquuqdeeda iyo maqaamkeeda loo baahan yahay in la qeexo.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in sharci ahaan shaqada caasimada baarlamaanku leeyahay inuu qeexo maqaankeeda iyo madadaalada ay xaqa u leedahay, isagoo carabka ku adkeeyay in Muqdisho ay mudan tahay in ay yeelato maamul dadka deegaanka soo doortaan balse aysan mudneyn in wax loo yeeriyo.

“Muqdisho  waxay mudan tahay maqaamka ay caasimada leedahay inay hesho, waxay mudan tahay madalaada aqalka sare, gole deegaan iyo meelaha kale ee looga baahan yahay, waxay xaq u leedahay inay soo doorado gole deegaan, Muqdisho ma mudna in maalin walbo Governotore iyo Maayar inta la keeno la yiraahdo wixii xisaab ah gobolka Banaadir ayaa qaadanaya ee xafiiska hebel dib ugu soo celi ee gadaal kasoo geli,” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Xuquuq ahaan ayuu sheegay in Banaadir aysan mudneyn in xitaa haddii maanta la yiraahdo 50 Senator ayaa leedihiin in xitaa loo soo qoraayo, madaxweynaha xafiiska fadhiyo uu gacantiisa kusoo qoraayo.

Wuxuu sheegay Axmed Madoobe in Muqdisho aysan jirin qabiil gaar ah oo diidan xaquuqdeeda iyo madalaadeeda, isagoo tusaale usoo qaatay in Muqdisho aysan jirin cid gaar ah oo ka xigta.