Madaxweyne BIIXI oo isku shaandheyn ku sameeyay golaha wasiirada + Magacyada

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta soo saaray wareegto uu ku sameeyay isku shaandheyn ballaaran, taasi oo xilalkii kaga qaaday mas’uuliyiin ka tirsanaa xukuumadiisa.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu wareegtadan ku magacaabay xubno cusub oo kamid noqonaya xukuumadda, halka uu isku beddel ku sameeyay wasaaradaha qaarkood.

Wasiirrada uu xilka ka qaaday madaxweyne Biixi ayaa waxaa kamid ah Wasiirkii Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha
Cabdiraxmaan Xirsi Jaamac Dhooble iyo Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Cabdi-naasir Cumar Jaamac.

Sidoo kale waxa uu wasiirka cusub ee wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha Somaliland u magacaabay Cabdirisaaq Muuse Faarax Cawad, halka uu wasiir ku-xigeenka wasaaradda horumarinta Maaliyadda u magacaabay Saleebaan Diiriye.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa dhawaan sidan oo kale isku shaandhayn ballaaran ku sameeyay wasiirada xukuumadiisa, waana markii labaad ee uu isku bedel ku sameeyo golaha wasiirada dhamaadka sannadkan.

Hoos ka aqriso wareegtada oo u dhigneyd sidan;

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne uu xilka qaadis, magacaabid iyo bedel ku sameeyey qaar ka mida masuuliyiinta Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland.

Ujeeddo: Xil Ka-qaadis.

1. Ku: Cabdiraxmaan Xirsi Jaamac Dhooble
Wasiirkii Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha

2. Ku: Cabdi-naasir Cumar Jaamac
Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

Og: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

Sida aad la socotaan, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo loo igmado hadba ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hore u haysay ee Wasiirkii Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha iyo Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

Geesta kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa wareegtooyin madaxweyne ku magacaabay masuuliyiintan.

Waxaanay u dhignayd sidan:-

Ujeeddo: Magacaabid.

Wareegto Madaxweyne
Magacaabid

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay: In ay Hannan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi;

Waxaan Go’aamiyey;

1. In Cabdirisaaq Muuse Faarax Cawad laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Jamhuuriyadda Somaliland.

2. In Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Maaliyaddu Rooda Jaamac Cilmi Cabdulle laga bilaabo taariikhda maanta ay ahaato Wasiirka Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga.

3. In Saleebaan Jaamac Diiriye Guuleed laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland.