Xog: FAROOLE iyo DENI oo kulan yeelanaya + Qorshaha

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa lagu wadaa in uu xarunta Madaxtooyada Garoowe ku qaabilo Madaxweyne hore Sen. Cabdiraxmaan Faroole oo shalay dalka dib ugu soo laabtay.

Madaxweyne Deni iyo Sen. Cabdiraxmaan Faroole ayaa sida wararku sheegayaan shir gaar ah ka yeelanaya xaaladda Siyaasadeed ee Puntland gaar ahaanna Arrimaha doorashada 2024.

Mudane Faroole oo shalay lagu soo dhaweeyay Garoowe ayaa sheegay in wada-hadal lagu dhammayn doono khilaafka weli ka jira doorashada Madaxtinimada Puntland.

Waxaa la filaya in uu qayb ka noqdo dhex-dhexaadinta Baarlamanka iyo Madaxtooyada oo weli ku muransan Arrinta doorashada kadib markii Baarlamanku samaystay hal sano oo mudda kororsi ah.

Sen. Cabdiraxmaan Faroole ayaa uga mahadceliyay Madaxweyne Siciid Deni go’aankii uu kaga laabtay doorashadii lagu muransanaa ee qof iyo cod islamarkaana uu ku aqbalay doorasho ku dhacda hannaankii hore ee 66-da.

Madaxweyne Faroole ayaa sidoo kale bogaadiyay odayaasha dhaqanka iyo dhammaan cid kasta oo door ka qaadatay Xal u helidda Khilaafkii doorashada Puntland ee 2024.

Waxa uu sheegay in wada-hadal lagu dhammaynayo khilaafaadka weli jira ee dhinaca doorashada taas oo sida muuqata uu ula jeedo Muranka la dhashay sannadka mudda kororsiga ah ee uu Baarlamanka Puntland samaystay.