SODMA oo shaacisay inay dhaqaale la’aan soo food saartay oo uga sii dareysa…

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa markii ugu horeysay shaacisay in dhaqaale la’aan hayso, xilli dalka ay ka taagan tahay xaalad ka dhalatay roobabka iyo daadadka El-Niño.

Agaasimaha xarunta howl-gallada gurmadka deg-degga ee hay’adda SODMA oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in hay’adda ay hayso raashin badan kuwa kalana u soo socdan balse aysan haysan dhaqaalo ay gobollada dalka ku gaarsiiyan.

Xasan Cabdulqaadir Ciise ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in ay kordheen qasaraha ka dhashay roobabka iyo daadadka El-Niño.

“Waxaa inoo soo socda raashino badan, runtii beesha caalamka indhahooda waa nagu soo jeesteen oo gargaar badan ayay noo fidinayaan, laakiin waxaa meesha ka maqan dhaqaalihii ama miisaaniyadii lagu maareyn lahaa howlahaas oo dhan,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu intaas kusii daray “Hay’adda SODMA kaligeed ma kaafiso, oo awoodeeda ma lahan, waxaan usoo jeedinayna in bulshada Soomaaliyeed ay garab istaagaan hay’adda maareynta musiibooyinka.”

SODMA ayaa ka dalbatay dowladda dhexe iyo xafiisyada madaxda sare ee dalka inay sii laba jibaaran garab istaagooda hay’adda, si gargaarka loo gaarsiiyo dadka sida aadka ah ugu baahan.

“Waxaan oo raashin ah dhamaan inoo imaadan waxay nooga filan yihiin siddeeda billood ee soo socota aan iskaga filnanaano raashin dadkaas gaarsiino, oo sida ugu dhaqsaha badan ula gaarno dadkaasi baahida deg-dega ah hayso.”

Ugu dambeyntiina waxa uu walaac ka muujiyay in cudurada faafa ka dilaacan deegaanada ay saameynta xooggan ku yeesheen roobabka iyo daadadka El-Niño, isaga oo uu xusay in ay ka shaqeynayaan sidii daawooyin loo gaarsiin lahaa, ayada oo la kaashanayo dowladda federaalka, gaar ahaan wasaarada caafimaadka.

Si kastaba, arrimahan ayaa imanaya, xilli ay si guud marba marka ka dambeysa sii kordheyso xaaladda adag ee ka dhalatay roobabka daadadka wata iyo fatahaadaha ku dhuftay gudaha dalka, ayada oo tirada dhimashada ay gaartay illaa 120 ruux.