Xasan Sheekh oo madaxda IGAD kala hadlay 3 qodob, hal arrina ku amaanay (Sawirro)

Jabuuti (Caasimada Online) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galay Meertada 41-aad ee Madaxda dalalka IGAD ayaa uga mahadceliyey doorka ay ka qaateen in Soomaaliya ay ku biirto Dallada Bulshada Bariga Afrika (EAC) iyo qaadista cunaqabateynta hubka ee saarnayd dalkeenna.

Madaxweynaha ayaa khudbadda uu ka jeediyey fadhiga hoggaamiyeyaasha IGAD waxa uu ku tilmaamay caqabadaha wadajirka ah ee ay wadaagaan dalalka gobolka, oo ay ka mid yihiin argagixisada, saameynta isbeddelka cimilada iyo colaadaha.

“Xubnaha Urur Goboleedka IGAD waxaan uga mahadcelinayaa taageerada ay siiyeen qaadista cunaqabateynta hubka ee saarneyd Soomaaliya iyo codsigeenni ku aaddanaa ka mid noqoshada Dallada Bulshada Bariga Afrika, tallaabooyinka oo ka markhaati kacaya dadaalka aan ugu jirno xaqiijinta Soomaaliya xasilloon oo horumarsan,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Shirka inta uu socday, waxa ay Madaxda IGAD ay warbixin ka dhageysteen Hoggaamiyaha Golaha Sare ee dalkaas Mudane Cabdulfataax Alburhaan oo dul istaagay waanwaanta IGAD ee ku aaddan dagaalka dalka Suudaan.

Dowladda Soomaaliya waxay ka mid tahay xubnaha ku howllan xal u helidda dagaalkan ee heer IGAD.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xusay mowqifka joogtada ah ee Soomaaliya ay ka taagan tahay dagaalka dalkaas.

Madaxweynaha ayaa sheegay in taasi ay ku saleysan tahay casharkii shacabka Soomaaliyeed ay ka barteen burburkii dowladnimada, waxa uuna tilmaamay in Suudaan shacab iyo dowladba ay abaal weyn ku leeyihiin dadka Soomaaliyeed.