Wasiir Faarax oo shaaciyey in 3,000 oo macaliin cusub ah ay DF qaadaneyso

Muqdisho (Caasimada Online) –Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya oo war-saxaafadeed ka soo saartay ansixintii miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2024-ka ayaa shaacisay qorshe muhiim ah oo sanadkaan ay damacsan tahay.

Wasiir Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa shaaciyey in bilowga sanadka soo socda ee 2024 ay wasaaraddu qaada doonto 3,000 oo macalin.

Waa fursad kale oo wasaaraddu ay shaacisay mar kale, waxayna sanadka 2024-ka macalimiinta dowladda u diiwaan gashay gaari doonaan 6,000 (lix kun) oo macalin.

Wasiirka Waxbarashada XFS ayaa xukuumadda iyo baarlamaanka uga mahad celiyey, sida ay mudnaanta u siiyeen wax ka qabashada baahida waxbarashada dalka oo wasaaraddu ay u xil-saaran tahay.

“Wasiir Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa xukuumadda iyo baarlamaanka uga mahadceliyey kordhinta qoondada miisaaniyadda wasaaradda oo qorshaheedu yahay baahinta, hormarinta iyo tayeynta waxbarashada dalka,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay wasaaradda.

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Qorshaha wasaaraddu wuxuu yahay in bilowga sanadka 2024-ka la qaato seddax kun 3,000 oo macalin oo cusub, si loo baahiyo waxbarashada sida weyn ubadkeenu u baahan yahay.”

Qorshaha xulashada macalimiinta cusub ayaa lagu sheegay qoraalkaan in la guda gelayo bilowga sanadka cusub, iyadoo mudnaan la siinayo dumarka.

“Qorshahaan lagu qaadanayo macalimiinta waa wejigii labaad oo qeyb ka ah barnaamijka qaran ee baahinta waxbarashada, si loo gaaro malaayiinta Soomaaliyeed ee aan weli helin fursadaha waxbarashada ee xaqa ay u leeyihiin,” ayaa lagu yiri qoraalka.