Madaxweyne Biixi oo laga dalbaday inuu caddeeyo ajandaha kulankii Farmaajo

Hargeysa (Caasimada Online) –  Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, ayaa Madaxweyne Muuse Biixi ka dalbaday in uu bulshada u soo bandhigo waxyaabihii ay kaga wada-hadleen kulankii uu la qaatay Madaxweynaha Soomaaliya.

Waddani ayaa shaki badan ka muujiyey arrimihii ay Biixi iyo Farmaajo kaga wada-hadleen kulankoodii Addis-Ababa, isla markaana ku baaqay in si cad loo soo bandhigo waxyaabihii lagu wada-heshiiyey.

Khadar Xuseen Cabdi, Xoghayaha guud ee Xisbiga Waddani oo warbaahinta la hadlayey, ayaa kulankaasi ku sheegay mid khuseeyay qaranimada Somaliland, oo aheyd inay ka qeyb galaan xisbiyadu.

Xoghayuhu wuxuu sidoo kale sheegay in uu hoos u dhac weyni ku yimid qadiyada Somaliland ee Ictiraaf raadinta intii ay talada la wareegtay xukuumada Muuse Biixi, Wuxuuna yiri

“Madaxweynaha Somaliland waxa uu la kulmay madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo, wasiirka arrimaha diabdda Somaliland siduu uga hadlay kulankaasi wax dadku gayaan maaha, inuu yidhaahdo wasiirkii dhamaa xafiiska Raysul wasaaraha Itoobiay oo madaxdu isku sii macaasalaamaynayso ayuun baanu ku kulannay”.

“Xafiiska Raysul wasaaruhu maaha istaankii basaska xaafadaha u kala baxa ay dadku si aan ku talagal ahayn iskaga soo hor bixi-jireen, waa xafiis nidaam dawladeed leh cid aanay iskugu tallogalin inay is arkaana aanay is arag, taasi waxay muujinaysa inay wax ay qarinayaan oo ay dadayaan ay jirto ama wax ay yidaahdaan aanay garanayn”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Waxaanu doonayna in aynu ogaano ajandaha kulanku muxuu ahaa, maxa laga wada hadlayey, maxay ahaayeen qorshaha ay iyagu la tageen, maxa ka soo baxay kulankaasi, maxa la isku soo afgartay, halkee looga dhaqaaqayaa, qarankan hore socodkiisu sir maaha ee waa in dadka lala wadaagaa”.

“Waana waajib inay kasoo qeyb galaan daneeyayaasha Somaliland iyo Xisbiyada qaranku kulamada noocaasi oo kale ah, maadama ay khuseeyaan qaranimada, oo ay kamid yihiina qaranka Somaliland”.