Maxaa ka jirra inay golaha wasiirada Somaliland ka shireen safarka Farmaajo?

Hargeysa (Caasimada Online)Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa ka hadashay jiritaanka warar sheegayey in Golaha Wasiirada Somaliland ay shir ka yeesheen Safarka la sheegay in uu Farmaajo ku imanayo Hargeysa.

Somaliland ayaa si cad u sheegtay in Golaha uusan wax shir ah ka yeelen Safarkaasi la sheegay ee Farmaajo, isla markaana ay tahay warar been abuur ah oo lagu baahiyey baraha bulshada.

Xoghayaha Golaha Wasiirada Somaliland, Jamaal Maxamed ayaa arrintaasi ku xaqiijiyey qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook, oo u dhigna sidan:

“Golaha Wasiirada Jamhuuriyada Somaliland wax shir ah oo ku saabsan Imaatinka Farmaajo ee Hargeysa ma aysan yeelan.”

“Warka baraha bulshada lagu qoray ee sheegaya in Goluhu shiray waa war aan sal iyo baartoonna lahayn oo aan waxba ka jirin. Muwaadiniinta Somaliland sidaas ha ula socdaan”.

Guddoomiyaha Golaha Guurtida ee Somaliland, Suleymana Maxamuud Aadan ayaa goor sii horeysay oo maanta ah u sheegay xubnaha aqalka odayaasha in Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu doonayo inuu booqasho ku yimaado magaalada Hargaysa isaga oo ay wada socdaan Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahai Farmaajo.