Madaxweyne Biixi oo soo saaray baaq xasaasi ah oo ku socda reer Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi oo maanta warbaahinta kula hadlayey gudaha magaalada Hargeysa ayaa ka warbixiyay xaalada Coronavirus ee gudaha Somaliland oo si weyn ugu baahay deegaanadaasi.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa bulshada reer Somaliland u diray baaq xasaasiya oo ku aadan cudurka safmarka ah ee Coronavirus, xili uu soo jeediyay in bulshadu qofkasta oo ka tirsan uu si iskeed ah uu iskaga baaro cudurkaasi, maadama uu shaqeynayo sheybaarkii cudurkaasi ee gudaha Somaliland.

Madaxweyne Biixi ayaa sheegay in Wasaarada caafimaadka Somaliland ay awood u leedahay baarista cudurkaasi, midaasi oo lagaga maarmayo natiijadii mudada badan la sugayay, iyada oo loo dirayey dalka dibadiisa.

“Ta aynu doonayno inaynu fahamnaa waa xanuunka aynu iska baadhno inaga oo caafimaad qabna aynu baadhis samayno, marka goor hore la ogaado inaanad waxba qabinba waad ka adag tahay oo muddo uun baad nasanaysaa, boqolkiiba laba saddex qof mooyaane waxa laga yaabaa inay ka wada kacdo inta kale, laakiin haddii adiga oo aan is ogayn aad dadkii gaadhsiiso dhibaatadaasuu keenayaa” ayuu yiri Madaxweynaha Somaliland.

Biixi ayaa carabka ku adkeeyay inay muhiim tahay in la raaco talooyinka caafimaad ee wasaarada, taasi oo lagaga baaqsan karo in cudurkaasi uu kusii fido dad hor leh oo bulshada dhexdeeda.

Sidoo kale waxa uu xusay in lagu dadaalo nadaafada iyo kala fogaanshaha, si looga bad-baado cudurkaasi, isagoona meesha ka saaray aragtida ceebeysan ee dadka qaarkood ay ka qabaan qofka laga helo Coronavirus, isla markaana ku booriyay inaan la qarsan cudurka ee la tago goobaha caafimaadka.

Baaqa kasoo yeeraya Madaxweynaha Somaliland ayaa ku soo aadaya xili ay maanta wasaarada caafimaadku ay shaacisay in cudurkaasi u dhintay qofkii shanaad, iyada oo ay sarre u kacday Kiisaska Coronavirus ee gudaha Somaliland.