Somaliland oo shaaciyay kiisas horleh oo Covid-19 ah

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ayaa maanta markale shaacisay Kiisas cusub oo cudurka safmarka ah ee Coronavirus/Covid-19, xili uu si weyn ugu faafay deegaanada maamulkeeda.

Wasaarada caafimaadka Somaliland ayaa maanta warbixinteedii maalinlaha aheyd ku shaacisay inay soo kordheen 3-kiis oo cusub, kuwaasi kala ah Labo rag ah iyo hal dumar ah.

Warbixinta wasaarada ayaa sidoo kale lagu sheegay in Saddexdaasi ruux ee maanta laga cudurka ay kala joogaan gobolada Maroodi-jeex iyo Saaxil, iyada oo hore looga helay goboladaasi kiisas hor leh.

Tirada guud ee Coronaha ee Somaliland ayaa maanta gaadhay 43-kiis, halka tirada dhimashadu ay tahay 5-ruux, midaasi oo ka badan dadka kasoo bogsaday cudurka ee ku nool deegaanada Somaliland.

Kiisaska cudurka ee deegaanada Somaliland ayaa maalinba maalinta kasii dambeysa kor usii kacaya, midaasi oo muujineysa sida weyn ee cudurkaasi ugu baahay deegaanada maamulkaasi.