Sawirro: Madaxweyne BIIXI oo tababar usoo xiray ciidan cusub

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta tababar usoo xidhay ciidan cusub, kuwaasi oo dhameystay tababar muddo u socday.

Ciidanka cusub ayaa dhan 530 (shan boqol iyo soddon) askari oo tababar ku dhammaystay dugsiga tababarka ee Madheera ee degmada Mandheera, waxayna iskugu jiraan boolis, asluub iyo dhallinyaro shaqo qaran ah.

Ciidanka tababarka loo soo xiray ayaa sidoo kale waxay madaxweynaha hortiisa ku sameeyey gaardis iyo gaaddo-ka-ciyaar ay ku muujinayaan xirfadihii la baray muddadii ay carbiska ku jireen.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wafdi uu hoggaaminayo oo kasoo laabtay safar shaqo oo ay ku tageen gobollada Togdheer iyo Saaxil, ayaa maanta si ballaadhan loogu soo dhaweeyey magaalada Abdaal ee degmada Mandheera.

Dadweynaha ku dhaqan deegaanka Abdaal oo ay hormuud u yihiin maamulka degmada Mandheera, cuqaasha, waxgaradka iyo haldoorka bulshada ayaa madaxweynaha iyo wafdigiisa kaga hortegay jihada bari ee magaalada Abdaal, iyaga oo safaf dhaadheer u taagnaa waddada dheer ee magaalada hormarta.

Soo dhaweynta kaddib waxaa madaxweynaha iyo wafdigiisa ay shacabkii soo dhaweeyey kala hadleen goob loo diyaariyey, waxana halkaas laga jeediyey hadallo loogu mahad-naqayo shacabkii soo dhaweynta usoo baxay, lagagana sheekaynayo waxyaabihii ay xukuumaddu ka hirgelisay.

Madax-dhaqameed deegaanka kasoo jeeda oo ay kamid yihiin Ugaas Caydaruus, Suldaan Shabcaan, Suldaan Cali Saleebaan, suldaan Maxamuud Axmed Sheekh, Chief Caaqil Khadar Jaamac Caarre oo halkaas ka hadlay ayaa shacabka reer Abdaal uga mahadnaqay soo dhaweyntooda, ayaga oo kula dardaarmay inay midnimadooda adkaystaan, horumarka degmadana u midoobaan.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo munaasibadda soo afmeeray ayaa waxa uu kula dardaarmay bulshada degmada Mandheera inay nabadda iyo wada-jirkooda ilaashadaan, “Dhammaanteen waa inaynu nabadda iyo horumarka gacmaha isu qabsannaa, is jeclaanno oo wax wada qabsannaa.”