Madaxweyne Muuse Biixi oo war cusub kasoo saaray doorashada SOMALILAND

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Cabdi ayaa war cusub kasoo saaray doorashada maamulkaasi oo dib uga dhacday waqtigeedii, kadib wareysi uu siiyay France 24.

Muuse Biixi Cabdi ayaa shaaca ka qaaday in xukuumaddiisa ay u diyaar garowday doorashada guud, si meesha looga saaro khilaafaadka ka dhashay qabsoomideeda.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay diyaariyeen dhaqaalihii ku bixi lahaa doorashada, isla-markaana aanu rabin in kursiga uu sii fadhiyo.

Madaxweynaha oo carab baabay cadadka lacagta ayaa sheegay inay gaareyso illaa $10 milyan, isla-markaana ay haatan ku jirto miisaaniyadda sanadkan, sida uu ku dooday.

“Dowladdaydu 10 milyan oo dollar ayay u diyaarisay sannadkan doorashooyinka, miisaaniyada ayay ku jirta, taasi waa hal ku dhaga siyaasiyiinta uun, macangacnimo iyo in wakhti dheer la joogo ma aaminsani” ayuu wareysigan ku yiri Madaxweyne Muuse Biixi.

Waxaa kale oo uu ugu baaqay guud ahaan Ummadda Somaliland inay muujiyaan deganaan, una diyaar garoobaan dhankooda doorashada soo socota oo ah mid xasaasi ah.

Doorashada madaxtooyada Somaliland ayaa waxaa muddooyinkii u dambeeyay ka taagnaa khilaaf u dhexeeyay xubnaha mucaaradka iyo xukuumadda, kuwaas oo isku fahmi waayay doorashada iyo xilliga la qabanayo.

Muranka ayaa sidoo kale kasoo kasii daray markii Golaha Guurtida ay muddo laba sanno ah ugu dareen madaxweyne Muuse Biixi, taas oo ay ka biyo diideen xisbiyada Ucid iyo Wadani.

Si kastaba, doorashada ayaa la filayay inay  dhacdo 13-kii November, 2022-kii, balse dib ayay u dhacday, waxaana arrintaas ka dhashay mudaharaadyo ka dhacay gudaha Somaliland.