Sawirro: Yuusuf Madaale oo qaaday tallaabo la xiriirta amniga magaalada MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xalay qaaday tallaabo ka xiriirta sugidda amniga, isaga oo booqday degmooyinka dhaca galbeedka caasimada.

Kormeerkan ayaa waxaa Yuusuf Madaale ku wehlinayay guddoomiye ku xigeenka amniga gobolka Banaadir, taliyaha ciidanka Booliska Soonaaliyeed, wasiiru dowlaha wasaaradda amniga gudaha iyo qaar kamid ah guddoomiyeyaasha maamulada degmooyinka.

Ujeedka kormeerkan ayaa ahaa u kuurgalidda, sida ay uga howlgalayaan ciidamada ammaanka dowladda federaalka iyo Isbeddalka ka muuqda tan iyo markii ciidan gaar ah loo dhiibay nabad-gelyada deegaanka.

Guddoomiye Yuusuf Madaale oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in howlgallada cusub ee ay wadaan ciidanka lagu soo tababaray dalkanUganda ee Booliiska sida Militariga u tababaran uu wax badan ka beddalay amniga magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay inay si wanaagsan ula dhaqmeen dadka rayidka ah, isla-markaana ay la yimaadeen niyad wanaag ay kula shaqeyn karaan bulshada rayidka ah.

Waxaa kale oo uu intaasi ku daray inay meesha ka saareen kooxihii burcadda ahaa iyo ciyaal-weerada dhibaatada ka waday degmooyinka gobolka Banaadir.

“Qalbiga furan iyo gacmo furan ayaan idinku soo dhaweyneenaa, 24 saac waxaa loo taagan yahay in kalsooni aan ka kasbano shacabkeenna oo aan ku heli karno marka ay arkaan wanaaggeena, dhimrinteenna iyo u shaqeynteeda, waxa aad meesha ka saarteen kooxihii burcadda ahaa ee dadka Soomaaliyeed dhibka ku hayay naftooda iyo Maalkooda” ayuu yiri Duqa Muqdisho.

Dhankiisa wasiiru dowlaha wasaaradda amniga gudaha, Maxamed Cali Xagaa oo madasha ka hadlay ayaa boggaadiyay ciidamada cusub ee ka wareegay amniga caasimada, waxaana uu tilmaamay inay ku guuleysteen wajiga koowaad ee howlgalka.

Sidoo kale waxa uu carabka ku dhuftay inay garab istaagi doonto dowladda federaalka, isla-markaana ay soo booqan doonaan madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha dalka.

“Waan ku faraxsanahay in aan idinla kulano, waxa aad gacanta ku heysaan amniga mustaqbalka ummadda, askariga waa badbaadiyaha shacabka oo waxa aad habeen iyo maalin u taagan tihiin in aad badbaadisaan dadkiina iyo dalkiina, wajiga koowaad waad ku guuleysateen waxaana rajeyneynaa in inta dhiman aad heysaan, Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa idin soo booqon doonna waxa aan idinku imaanay in aan idin garab istaagno” ayuu isna yiri wasiir Xagaa.

Amniga magaalada Muqdisho ayaa haatan soo hagaagayo, kadib qorshaha cusub ee ay la timid dowladda federaalka, waxaana saaka ciidamada ammaanka ay ku guuleysteen inay fashiliyaan mooto sidday qaraxyo, taas oo ay ku dhinteen saddex nin oo la socday, kadib markii ay kula qaraxday waaxda General Daa’uue ee gudaha degmada Xamarjajab.