Mooto Bajaaj ay la socdeen saddex nin oo ku qaraxday Xamar-jajab + Khasaaraha

Muqdisho (Caasimada Online) –  Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa mooto Bajaaj ay la socdeen saddex nin oo saaka ku qaraxday qaybo kamid ah gudaha degmada Xamar-jajab ee gobolka Banaadir.

Qoraal kasoo baxay taliska Booliska ayaa lagu sheegay in mootada ay xoog ku soo dhaaftay bar lagu hubiyo gaadiidka oo ku taalla degmadaasi, balse ayada oo ay ceersanayeen ciidanka ammaanka ay ku qaraxday Waaxda General Daa’uud.

Taliska ciidamada Booliska ayaa sidoo kale xusay in laga hortagay weerarkan, isla-markaana qorshihii ay damacsanaayeen raggaan la fishiliyay, sida lagu sheegay qoraalka.

Sidoo kale waxa uu Boolisku tilmaamay in qaraxan ay ku dhinteen saddexdii nin ee watay mootada, sidoo kalena uu dhaawac fudud soo gaaray qof kale oo shacab ah oo waddada mararayay.

“Maanta 16/Apr/2023, abaare 07:30 AM, Degmada Xamar Jajab, ayaa dhagarqabayal saarnaa mooto Bajaaj, ay soo jiireen bar lagu hubiyo gadiidka, iyada oo la raacdeynayo ayeey bajaajtii ku qaraxday Waaxda Gen Daa’uud, dhartoodii ay la damacsanayeen Ummadda Sooman ayaa iyagii ku laabtay waxaana goobta ku halaagsameen 3 dhagarqabe. Halka, qof muwaadin ah oo wadada marayaay uu dhaawac fudud ka soo gaaray” ayuu yiri qoraalka taliska ciidanka Booliska Soomaaliya.

Waxaa kale oo uu intaasi sii raaciyay “Burbur kooban oo soo gaaray guryaha laamiga ku teedsan agagaarka Haama-dhowr ama Isbilatka Yardimeli”

Dhanka kale taliska Booliska Soomaaliya ayaa intaasi ku daray in haatan ay wadaan baaris ku aadan dhacdadaasi, isla-markaaana wixii soo kordha ay la wadaagi doonaan shacabka.

“Dhacadaasi waxaa ku bilowday baaris, wixii ku soo kordha dib ayaan ummadda kala wadaagidoonaa” ayaa mar kale yiri qoraalka.

Saraakiisha ammaanka ayaa dhinaca kale farriin u diray dadka shacabka ah, waxayna ka dalbadeen inay la shaqeegaan ciidamada ammaanka, si looga hortago falalka ammaan dari ee ka dhaca gudaha caasimada.

Fashilinta weerarkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo dowladda Soomaaliya ay la timid qorshe lagu sugayo amniga magaalada Muqdisho oo qayb ahaan lagu wareejiyay ciidamo cusub oo ah Boolis Militaaro.