Madaxweyne boqolka kun ee dollar ku shaqaaley 500 oo sirdoon

Dhawaan waxa madaxweynaha dowladda federaalka mudane Mohamed Abdullahi Farmaajo ku dhawaaqay ballan qaad xoog leh oo uu sameeyey qofkii soo sheega hal qarax oo cadowga la gaadayaan shacabka Soomaaliyeed, isagoo u ballan qaaday xaddi lacageed oo gaaraya $100,000 oo dollar.

Anigoo tixraacaya ballan qaadkaas waxan rabaa inan ka cabbiro fikirkayga anigoo ka qiyaas qaadanaya xaaladda dhaqaale ee dalka, heerka amni iyo baahiyaha badan ee dowladda, waxaan rabaa inan talo siiyo dowladda cusub.

Marka dal Somalia oo kale ah ad rabtid inad wax ka qabatid waxad u baahan tahay inad dabaqdid qaacidadii ahayd LABA SHIMBIR HAL DHAGAX KU DIL, taaso ah in halkii tallaabo oo dowladdu qaado ba ku xalliso laba mushkiladood iyo ka badan.

Waxan ognahay in madaxweynuhu xal biday ballanqaadkaas uu sameeyey inuu yareyn doono qaraxyadii Muqdisho ka dhici jiray. Hadaba iyadoo taas la xaqiijinayo waxan rabnaa inaan 100,000 ka kun uga faa’iidaysanoo ku xallino laba mushkiladood oo dalka ka jira. Mid waa tii madaxweynuhu ugu tala galay oo ahayd amniga, tan labaadna waa inan shaqo abuur ugu samayno 500 oo qof oo ka mida dadka shaqa la’aanta ku ah caasimada. Hadaba maxay qabanayaan dadkaas? sideese wax ugu biirinayaan amniga?

Aduunka dowladaha horumaray waxa ugu badan ay xooga saaraan intelligence ga ama sirdoonka, si ay uga hortagaan dhibaatooyinka kusoo wajan ama baaritaan ugu sameeyaan kuwa hore u dhacay. Somalia sida muuqata awoodeeda sirdoonku aad bay u yartahay, waana tan sahashay in wax walba marka ay dhacaan lagu baraarugo. Hadaba si taas wax looga qabto waa in la shaqaaleeyaa 500 oo dhalinyaro sirdoon ah oo u qaybsan degmooyinka muqdisho, midkiina mushahar ahaan loo siiyaa $200 bishii tababaro iyo qalab ay ku shaqeeyaana la siiya hadba intii la awoodo wadarta guud ee mushaharkoodu waa 500 qof x $200= 100,000.

Sababta an ugu arko in xalkaasi yahay mid ka haboon kii madaxweynaha waa laba mid

1 – Xalkani waa mid sustainable (Waara) ah oo mustaqbalka dhow iyo kan fogba wax ku biirinaya hagaajinta amniga, taasoo lagu suurta galin karta in qaraxyo badan lagu fashiliyo dad badanina ka faa’idaystaan, halka in hal qof boqol kun la siiyaa ay tahay xal kooban oo lagu bad baadinayo hal qarax oo kaliya, hal qofna ka faa’iido.

2 – Xalkanu wuxuu sahlayaa in shacabka iyo dowladdu si dhow uga wada shaqeeyaan amniga, sababtoo ah markii dhalinyaro sirdoon ah laga qoro degmooyinka ay degaanka ku yihiin waxa sahlanaanaysa inay information-ka ka helaan dadka ay isku degaanka yihiin, si dhowna ula shaqeeyaan oo ugu report gareeyaan hadba wixii soo kordha.

Taladaydu kama saarin meesha abaal marin la siiyo qofkii soo sheega hal qarax oo badbaadiya shacabka, laakin maadaama ay Somalia tahay dad sabool ah dhaqaalaha ay haysataana aad u kooban yahay shaqooyinka horyaalna aad u badan yihiin howlaha haloo kala hormariyo siday u kala muhiim sanyihiin abaal marintuna ha noqoto mid suurto gal ah.

W/Q: Abdullahi Nur Ciid
Email: seaman700@gmail.com